War Deg Deg ah Wariye C/Risaaq Jaamac Balaag oo Muqdisho lagu dhaawacay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay goor dhow dhaawaceen Wariye C/Risaaq Jaamac Cilmi Black oo ka mid ahaa wariyayasha ka howl gala TV SomaliaChanal.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Tv-ga ayaa sheegay in Wariyaha isaga oo wata gaarigiisa ay rasaas ku fureen Kooxo hubeysan xili uu kasoo baxayay Xaafad uu ka dagan yahay Suuqa Bakaaraha ee Muqdiso.

Wariyaha ayaa hada la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo la isku dayayo in Xaaladiisa wax lagaga qabto.

Ma cadda Ujeedka Wariyaha loo bartilmaameedsaday iyo cida beegsatay.

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya
Developed by Jago Desain