Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka Dawlada Soomaaliya C/raxmaan maxamed Bangax oo Booqasho ku yimi Baargaal (Sawiro)

Wafdi uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee dowladda soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Bangax ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku yimi Degmada Baargaal ee gobalka Gardafuu.

wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Fedraalka ee dowladda soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Bangax ayaa kadib markuu ka qaybgalay shirkii Maamul Goboleedka Puntland iyo dawlada Soomaaliya ku hishiiyeen, asagoo qayb ka ahaa masuuliyintii la socday Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ee booqashada taariikhiga ah ku yimi magaalada madaxda puntland ee garowe ayaa soo gaaray deegaanada Gobolka Gardafuu gaar ahaan Degmada Baargaal.

Wafdiga wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee dowladda soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Bangax waxaa Baargaal ku soo dhaweeyey dadweyne aad u farabadan oo oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay horkacaayeen maamulka iyo waxgaradka Degmada .

Wasiir-ku-xigeenku mudadii uu joogay magaalada Baargaal wuxuu booqday xarumaha maamulka Degmada, dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare, dugsiyada quraanka iyo xarunta warshada kaluunka iyo korontada Baargaal asagoo soo indha-indhaeeyey hab socodka shaqada maamulka degmada Baargaal.

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka dowldda soomaaliya mudane Bangax oo kula hadlay dadweynaha ku dhaqan Baargaal xarunta Dawlada Hoose ee Degmada ayaa ku dhiirigeliyey in laga shaqeeyo nabada asagoo uga waramay muhimada ay leedahay waxbarashadu .


Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya
Developed by Jago Desain