Posts

Wiil Dhallinyaro ah oo Masjid Dhexdiis lagu Gowracay Magaalada Muqdisho

Wiil Dhallinyaro ah oo Masjid Dhexdiis lagu Gowracay Magaalada Muqdisho

Wararka aan ka imanaaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in Halkaas Xalay Masjid ku yaalla uu Nin ka yimid dalka Dibaddiisa uu ku Gowracay wiil dhallinyaro ah Masjid ku Yaalla degmadaas.

Wiilkaan la Gowracay oo Magaciisa lagu soo koobay Axmedeey ayaa waxaa uu soo Galay Masaajidka, asigoo ka mid ahaa dadka Salaadda Cishaha kasoo gaaray Ragcadihii ugu Dambeeyay.

Ninka Dilka u Geystay wiilka ayaa la sheegay in uu lasoo Booday Tooreey, sidaana inta uu Qeybta Dambe ee Qoorta ka saaray uu Gowraca u Mariyay, kaasoo sidaana Halkaa ugu Geeriyooday.

Wiilkaan ayaa Da'diisa lagu qiyaasay 20-Sano Jir, Ruuxa falka geystayna waxaa da'diisa lagu qiyaasay 40 illaa 50 sano, siduu Sheekh Axmed Tuur-yare oo ka mid ah maamulka masaajidka u sheegay Saakay Warbaahinta Muqdisho.

Dadkii Masjidka ku tukanayay ayaa qabtay Ninkii dilka Geystay, kaasoo ay ku Wareejiyeen Ciidamada Amaanka ee Degmada.

Ninka wiilkaas Dilay ayaa la sheegay in uu dhow jeer oo Hore ka Istaagay Masjidka isagoo isku deyaya in uu dadka Wacdiyo,

Sababta Rasmiga ah ee ku kaliftay in uu Falkaas geysto ayaan la Aqoonsan wali.

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya
Developed by Jago Desain