Baarlamaanka Puntland oo doortay Gudoomiyaha Xuquuqul Insaanka Puntland

Xarunta Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta lagu qabtay doorasho lagu dooranayey gudoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland oo ay dooranayeen xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Doorashada waxaa ka soo qayb galay oo soo xaadiray kooramka mudanayaal dhan 61 mudane sidoo kale waxaa iyana joogay oo marti sharafta ka mid ahaa culuma u diinka Puntland iyo wakiilo ka socda hay'adaha ka shaqeeya xuquuqda bini aadamka.

Xilkan gudoomiyaha xuquuqul Insaanka Puntland waxaa isku soo sharaxay saddex muddane oo kala ahaa.

1. Maxamed Yuusuf Cali
2. Burhaan Aadan Cumar
3. Saciido Maxamed Cali

Doorasha oo martay laba wareeg ayaa wareegii hore waxaa ku haray Sacdiyo Maxamed Cali oo heshay codad dhan 5 Cod, Halka ay bar bar dhac noqdeen labada musharax ee kale oo kala helay 28 cod, intaa ka dib waxaa loo gudbay wareegii labaada waxaan ku guuleystay oo noqday gudoomiyaha Xuquuqul Insaanka Maxamed Yuusuf Cali oo helay Codad dhan 37, halka Burhaan uu helay 24 Cod. Natiijada Codbixinta oo uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in gudoomiyaha cusub laga doonayo in uu ushaqeeyo shacabka reer Puntland ee uu xilkan u qaaday.

Gudoomiyaha Cusub Maxamed Yuusuf Cali oo hadal kooban goobta ka
jeediyey ayaa aad ugu mahad celiyey musharixiintii la tartamayey iyo dhamaan xildhibaanada oo isugu jira kuwa codka siiyey iyo xildhibaanada aan u cadayn, Gudoomiyuhu sheegay in uu ku dhaqmayo dastuurka Puntland una shaqayn doona shacabka Puntland ee uu xilkan u qaaday.

Gunaanadkii Doorashada waxaa goobta lagu dhaariyey u qaabilsanaha xuquuqul Insaanka.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain