Beeldaaje ismaaciil beeldaaje Yaasiin oo la kulmay ardayda dhigata machadka barashada xanaanada xoolaha ee Galkacayo Veterinary

Beeldaaje ismaaciil beeldaaje Yaasiin oo la kulmay ardayda dhigita machadka barashada xanaanada xoolaha ee Galkacayo Veterinary


Beeldaajaha Calbari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje yaasiin oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Galkacayo, ayaa intuu joogay magaalada galkacayo wuxuu booqasho ku tegay machadka Galkacayo Veterinary ee barashada culuumta caafimaadka xoolaha asagoo qayb qayb u tegay machadka oo ay ku soo dhoweeyeen maamulka Machadka oo uu horkacayey Nuur Maxamed Cabdulqaadir, kadibna Beeldaaje ismaaciil ayaa kula dardaarmay ardayda in ay ku daddaalaan barashada cilmigan.

Beeldaaje ismaaciil wuxuu sheegay in dadka Puntland iyo kuwa soomaaliyeedba ay yihiin xoolo dhaqato si wayn ugu baahan barashada cilmiga xoolaha iyo caafimaadkiisaba wuxuu ku celceliyey dardaaranka uu ardayda u jeediyey.

Beeldaaje ismaaciil ayaa haatan u safray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halkaas oo uu u tagayo howlo dhinaca dhaqanka ah sida ay warbaahintu ka soo xigatay



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain