Geedka Xabxab Qaraarka (Bitter Gourd) oo la ogaaday inuu daawo u yahay Xanuunka Macaanka aan hidaha ahayn

Khubaro Baarta Xanuunka Macaanka aan hidaha ahayn Type 2 Oo Ogaaday In Geedka Loo Yaqaano Xabxab Qaraarku (Bitter Gourd) Uu Si Rasmi Ah U Daweeyo Macaanka Qofka Isticmaalana Uu Xanuunkaasi Si Rasmi Ah Uga Tagayo.

Khubarada baarta in dawo rasmi ah loo hello xanuunka macaanka noociisa loo yaqaano (TYPE 2), oo ah macaanka qofka ku dhaca ee aan ahayn ka aanu ku dhallan ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in geedka loo yaqaano xabxab qaraarka afka ingiriisigana lagu yiraahdo (Bitter Gourd) in haddii muddo lix bilood ku dhaw uu qofka xanuunka macaanka TYP-2 uu haya isticmaalo, inay %80 u dhawdahay inuu xanuunkaasi gebi ahaanba ka baxo jirkiisa.

Geedkani xabxab qaraarka oo badanaa laga hello ama ka baxa dhulka kulaylaha ah ee dalalka Pakistan, India iyo Bangaladesh, iyo China ayaa khubaradu waxay sheegeen in ay ku jirto maado loo yaqaano monosaccharides oo beera ama bilqiya dheecaanka Insulin-ka loo yaqaano ee ka soo baxa beerka dheecaankaasi oo ka caawiya qofka bini'aadmiga ah inuu sonkorta jirkiisa gallaysa burburiyo, haddii uu dheecaankaasi yaraadana keenaya inay sonkortu dhiiga raacdo.

Dr. NK Davidson oo ka tirsan xarunta cilmi baarista xanuunka macaanka (The Diabetes Research Foundation), ayaa sheegay in geedka Bitter gourd ay ku tijaabiyeen dad tiradoodu gaadhayso ilaa 200 oo qof oo ka soo kala jeeda dhammaanba jinsiyada ay dadku ka koobanyahiin sida cadaanka, madawga iyo dadka midabkoodu u dhexeeyo madawga iyo cadaanka, isla markaana 200 ee qof ee ka mid ah 50 qof oo ka mid ah oo isticmaalay geedkani xabxab qaraarka (Bitter Gourd) uu dheecaanka Insulinku uu si rasmi ah ugu soo noqday, isla markaana dadkaasi ay si rasmi ah uga maarmeen dawooyinkii ay u qaadanayeen xanuunka macaanka noociisa Type 2 loo yaqaano.

Sida Geedkani Xabxab Qaraarka (Bitter Gourd) Loo Isticmaalo

Geedkani xabxab qaraarka ayaa u eg muuqaal ahaan sida khudrada muuska oo qaro ahaan iyo dherer ahaanba ka weyn, waxaana uu leeyahay dhadhan aad iyo aad u kharaar oo qofka ku cusub ay ku adagtahay inuu marka hore la qabsado.

Xab xab Bitter Gourd Khubaradu waxay leeyahiin, geedkani waxaa loo isticmaali kara fuuq ahaan ama cabitaan iyo weliba in cuntada lagu karsado, marka la kala jaro ama la kala gooyo waxaa dhexdiisa ku jira ubuc ama qayb cad, qaybtaasi cad ayaa waxaa laga dhigan kara cabitaan iyadoo lagu shiidaayo mishiinka lagu ridqo ama lagu shiido khudradda.

Goorma La Isticmaalaya

Khubaradu waxay leeyahiin geedkani waxaa uu wanaagsanyahay in la isticmaalo xilliga aroortii ka hor intaanad quraacan ama calooshaadu marantahay, haddii aad cabto koob laga miiray ubucda geedkani, wuxuu ka faa'iido badanyahay isla markaana ka wax tar badanyahay marka la isku daro kiniinadda macaanka loo cuno noocyadooda loo yaqaano Metformin iyo Gliclazide.

Qolofta ama dusha sare ee Geedka Oo Cuntada Lagu Karsan Karo

Qolofta sare ama dusha sare ee geedkani Bitter Gourd ayaa sidoo kale lagu darsan kara cuntada sida suugadda ama maraqa, iyadoo loo karinayo sida khudradda oo kale.

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain