Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Maanta Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Baargaal (Sawiro)

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu Mudane C/Qaadir Yuusuf Maxamed Ismaaciil iidi oo wali wada safaradii uu ku kormeeraayay deegaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Gardafuu ayaa Maanta si Farxad iyo rayn rayne ku jirto loogu soo dhaweeyay Magaalada Baargaal ee gobolka Gardafuu.

Gudoomiayaha iyo Wafdigiisa oo soo gaaray magaalada Baargaal salaacdii casar ka bacdi ayaa waxaa halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyay Mas'uuliyiinta ugu saraysa Maamulka Degmada oo uu Hormuud u yahay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Abuukar Axmed Yuusuf ,Odoyaasha Dhaqanka, waxgaradka, ururada bulshada iyo dadwayne aad u farabadan oo uga hortagay Gudoomiyaha meel ka baxsan magaalada ayagoo ruxaaya calanka Puntland , Sawirada Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu caleemo qoyan iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo lagu taageeraayo maamulka cusub ee gobolka Gardafuu.

Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed yuusuf oo horkacayay masuuliyiintii soo dhawaysay gudoomiyaha gobolka Gardafuu ayaa sheegay inay si kal iyo lab ah ugu soo dhawaynaayaan gudoomiyaha guud ahaan Gobolka gardafuu gaar ahaan Magaalada baargaal oo uu maantay soo gaaray.

Gudoomiayaha ayaa ka soo degay gaarigii uu saarnaa asagoo Lug ku soo dhex maray gudaha magaalada Baargaal oo uu khudbad ugu jeediyay dadwaynihii halkaasi ku soo dhaweeyay asagoo ugu horayn ugu hambalyeey sida sharafta lahayd ay u soo dhaweeyeen wuxuuna sheegay inay baargaal u yimaadeen hawlo shaqo iyo sidii loo dardar galin lahaa Gobolka Cusub

" waxaan ugu horayn idinka mahadcelinaayaa sida diiran ee aad baargaal iigu soo dhawayseen waxaan u imi inaan idiin shaqeeyo waxaan balan qaadaayaa inaan shaqa walba anigu kow ka noqdo , hadii dhagax la qaadaayo , haddii waddo la furaayo , hadii dhul la nadiifinaayo , waxaan balan qaadaayaa inaan anigu dhagaxa u horeeya qaadaayo , waxaan idinka codsanaayaa inaad saad ii soo dhawayseen igula shaqaysaan"

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa intay magaalada Baargaal Soo gaarin waxay soo mareen Deegaanada Ceel Gaal, Muudiye, taageer, waadi khayr ayagoo Deegaanadaas shirar iyo iswaraysi kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka deegaanadaas.

19 bish july 2014 , ayaa wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxwaynaha dawlada Puntland prof. Cabdi wali Maxamed Cali gaas loogu magacaabay mudane C/qaadir yuusuf maxamed gudoomiyaha Gobolka gardafuu waana socdaalkii ugu horeeyay oo uu ku yimaado Degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolka Gardafuu.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain