Jilaagii weynaa ee Cabdi Maxamuud Ilkacase oo la sumeeyey

Jilaagii weynaa ee Cabdi Maxamuud Ilkacase oo la sumeeyey

Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Geeridii naxdinta laheyn ee ku timid Allaha u naxariistee Cabdi Maxmed ilkacase.

Gudoomiyaha Degmadda Boondheere oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Dawooyin sun ah oo la siiyay cabdi Maxmed ilkacase iyo Nuur Muudey Cabdi.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu Tilmaamay inay baaritaan ku sameeyeen Hoyga iyo goobta uu ku geeriyooday Ilkacase, waxuuna sheegay inay qabteen Dawooyin Sun ah oo sababay geerida Majaajiliistaha iyo Nuur Muudey Cabdi oo isna garaab ah, kadib markii ay is ticmaalen Dawo sun aheyd.

"Waxaa Ilka Case la geeriyooday ruux kale, waan aragnay waxyaabihii u sababta ahaa geerida, waxyaabihii ka haray waxa ay cabeen waxan ku wareejinay Boliska. waxan qabanay kii dhaawaca garaabka ahaa waxa uu inoo sheegay in Suntaani ay kasoo gateen Farmashiyo ku yaalla Degmada Xamar weyne waan tagnay waxaana kasoo qabanay Milkiilihii iyo ruuxii iibiyay Dawooyinka sunta ahaa waxaana hada ku socda baaritaano"

Dhanka kale, waxa uu sheegay in baaritaanka uu intaa kasii badan yahay islamarkaana ay soo bandhigi doonaan wixii dheeri ah.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain