Kal-fadhiga Golaha Wakiillada Somaliland oo Berri La Filayo Inuu Furmo iyo Mudanayaasha Muxaafidka Oo Mooshin Walwaalaya

Madaxtooyada soomaaliland ayaa qoondaysay cidii ay ka dhigi lahay gudoomiyaha golaha wakilada haddi ay beri ku guulaysato iqibaalka ay qorshaynayso inay xilka ka tuurto gudoomiyaha golaha wakilada somaliland Md: cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro.

ninkan loo qoondeeyay in uu noqdo gudoomiyaha golaha wakilada ayaa sida illo wareedyo rasmi ah noo xaqiijiyeen waa xidhibaan ka tirsan golaha wakilada oo lagu magacaabo Xidhibaan Cali Mareexaan oo ay Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal Isku beel yihiin

Cali Mareexeen oo kamid ah raga ay aadka ugu xiran madaxtooyad somalland ayaa hadda waxuu siilaanyo rabaa siddii looga dhigi lahaa gudoomiyaha golaha wakilad haddii ay ku guuleystaan inqilaabka ay rabaan in gudoomiyaha Cirro lagaga tuuro talada.

madaxtooyada ayaa dhawr jeer oo hore isku dayday in ay tuurto gudoomiye cirro oo ay u arkeen in uu ku yahay caqabad hortaagan taas oo ay qorshaynayaan sidii ay isu dhaafin lahayeen balse dhawr goor oo hore ayay ku hungoobeen inayay xilka ka qadaan ,haddab markan waxa loo dhegtagaayaa in madaxtoyadu gudoomiye cirro xilka kaga tuurto oo ay kursiga golaha wakilada ku fariisiso cali Mareexaan ma suurta gelin doonaa sabtida mise wuu dhicisoobi doonaa mooshinku

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain