Kooxo hubeysan oo caawa rasaas ku dilay mid ka mid ahaa ganacsatada Magaalada Boosaaso

Kooxo hubeysan oo caawa rasaas ku dilay mid ka mid ahaa ganacsatada Magaalada Boosaaso

Kooxo Hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa caawa ku dilay magaalada Boosaaso mid ka mid ah ganacsatada magaalada Boosaaso kaas oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Caalin.

Falkan waxa uu ka dhacay bartamaha magaalada iyadoo rasaas lagu furay gaari uu saarnaa ganacsadahan, waxaana haleeshay xabadihii lagu furay.

Ganacsade Yuusuf Caalina ayaa sidoo kale ahaa nin ay isku dhow yihiin wasiir ku xigeenkii amaanka Puntland dowladii C/raxmaan faroole C/jamaal Cismaan.

Sikastaba ha ahaatee Ciidanka amaanka ayaa xiray goobta uu falku ka dhacay, waxaana hakad galay isku socodka qeyb ka mid ah wadada laamiga ah ee dhex marta magaalada xaaladuna waa mid degen.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in rasaas farabadan oo dhacday ay waxyeeleysay dad rayid ah oo ka ag dhowaa goobta, taas oo aan weli lama xaqiijinin khasaaraha ka dhashao.

BAARGAAL.NET
Breaking News
Developed by Jago Desain