Lix Ruux Oo Dil Toogasho ah lagu Xukumay magaalada Boosaaso

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee magaalada Boosaaso islamarkaana ka shaqeysa 5ta gobol ee kala ah Bari, Gardafuu, Karkaar, Sanaag iyo heylaan ayaa waxaa maanta la horkeenay sagaal eedeysane kuwaas oo lix kamid ahi lagu heystay faldembiyeed la xirira in ay ka mid ahaayeen xoogaga Alshabaab laguna soo qabtay iyagoo ku jira howlgal halka 3 kalena loo heystay falal dembiyeed kale oo ay geysteen.

Ka dib markii la dhageystay dacwadaha laga soo gubiyay eedeysane yaasha lixda ah ee loo heystay dembiyada la xiriira in ay ka mid ahaayeen xarakada Alshabaab waxaa uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada c/fitaax Xaaji Aadan xukun dil ah oo lagu riday.

3da kale oo galay falal dembiyeed kala duwan ayaa mid kamid ahi ay maxkamadu ku dhawaaqday in ay siideysay, waxaana dib loo dhigay dacwada labada kale oo iyagu ka tirsanaa ciidamada badda Puntland.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain