Puntland: Wariyihii HCTV Ee Gaalkacayo Oo Caawa La Dilay

Puntland: Wariyihii HCTV Ee Gaalkacayo Oo Caawa La Dilay

Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ee Soomaaliya lagu dilay weriye C/risaaq Cali Cabdi (Silver) oo ka tirsanaa hawl wadeenada Idaacadda Daljir isla-markaana u soo warami jiray telefiishanka HCTV.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Wariyayaal ka tirsan Idaacadda Daljir, laakiin waxaan ilaa hadda la ogeyn cidda Wariyaha toogatey.

Weriye Silver ayaa waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta ugu caansan Puntland isla markaana ahaa wakiilka telefishinka HCTV ee gobalka Mudug.

Marxuumka ayaa lagu dilay meel aan sidaa oga fogeyn xarunta daljir oo ku taala xaafadda israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Marxuumka, ayaa wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo labo carruur ah.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain