Ururka Suxufiyinta Puntland ee MAP oo si adag u Canbaareeyay dilkii Wariye C/risaaq Silver

Ururka Suxufiyinta Puntland ee MAP

Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa si adag u canbaareeyay dil kooxo hubaysan ay xalay ugu gaysteen magaalada Gaalkacyo wariye C/risaaq Cali oo ka mid ahaa wariyayaasha gobolka Mudug.

"Waxaan aad uga naxay dilka wariye C/risaaq Cali Silver si adag ayaana u canbaareynyaa, wuxuu ahaa wariye fir-fircoon oo laf-dhabar u ahaa wariyayaasha ka howlgala Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo" ayey tiri Faadumo Maxamed oo ah xogyaha ururka MA.

Qaar ka mid ah wariyayaashii uu la shaqaynayay wariyaha geeriyooday ayaa iyagana si adag u dhaliilay dilkan ,isla markaana ku baaqay in cadaaladda lo horkeeno kooxihii ka danbeeyay dilkiisa.

"Dhowr jeer oo hore ayaa loo soo diray qoraallo loogu hanjabayo ,waxaa uu markii danbe u guuray Hotel arimo ammaan darteed "ayuu yiri tafaftiraha guud ee idaacadda Daljir C/fitaax Cumar oo si kooban uga hadlay dilkan.

"Waxaan alle uga baryayaa in uu naxariisto ,waxaan aqaannay muddo badan si joogto ah ayaa maalin walba u wada xiriir jirnay,waxaana dishay gacan ka xaq daran " ayuu yiri Axmed Shaam oo kamid ah wariyaayaasha Bosaaso ,isla markaana marxuumka ay ka wada tirsanayeen Tv-ga Horn Cable.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain