wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland oo xustay Maalinta Dhalaanka aduunka (Sawirro)

wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland oo xustay Maalinta Dhalaanka aduunka (Sawirro)

Xarunta wasaarada haweenka dowladda Puntland ee magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu xusayey maalinta dhalaanka aduunka (Universal child Day) oo sanad walba 20 November laga xuso caalamka.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada haweenka oo taageera kahelaysa Hay'ada Save The Children ayaa waxaa kasoo qaybgalay, wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland Anisa Xaaji Muumin, xildhibaano, shaqaalaha wasaarada haweenka, Hay'adaha ay wadashaqaynta leeyihiin wasaarada haweenka, carruur laga kala keenay xaafadaha magaalada Garoowe iyo kaamamka barakacayaasha iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland Marwo Aniso Xaaji Muumin oo daahfurtay munaasabadan ayaa kudheeraatay ahmiyada ay maanta oo kale uleedahay wasaarada iyo dhalaanka kunool deegaamada Puntland, waxaana ay sheegtay in wasaaradu ay u taagan tahay difaacida iyo u qareemida carruurta iyo dadka danyarta ah. Wasiir Anisa ayaa sheegtay in wasaaradu kashaqaynayso sidii loo midayn lahaa loona dhegaysan lahaa afkaarta iyo codka dhalaanka iyo dadka tabarta daran loogana dhowri lahaa waxkasta oo waxyeelaynaya sharaftooda, bulshada inteeda kalena looga dhaadhicin lahaa in ay xaqooda siiyaan.

Munaasabadaan ayaa intii ay socotey waxaa lagu soo bandhigay riwaayado iyo bandhig faneedyo ay soo diyaariyeen kooxda fanka iyo suugaanta ee da'yarta dugsiga hoose dhexe ee Darwiish xaruntiisa Garoowe.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain