Al-shabaab oo ku Gowracay Macalin Dugsi Qur’aan Gobolka Hiiraan


Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay deegaanka Qandho oo hoos tagta degmada Buulo-burte ku dileen macallin dugsi Qur'aan oo ka mid ahaa dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray macalin Maxamed Macallin Xuseen Cismaan Raage.

Mas'uuliyiin ka tirsan Mamaulka degmada Buulabarde ayaa Radio Kulmiye u sheegay in la gowracay Macalinka oo ay Meydka soo dhigtay tuulada Qandho oo 70 km u jirta Buulo-buete.

Wuxuu sheegay in ay Al-Shabaab xadgudub ku heyso dadka rayidka ah ee ku nool tuulooyinka ay weli ku sugan tahay, isagoo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ujeediyay in ay dhibaatadaas ka dulqaadaan dadka rayikd ah.

Al-shabab ayaa sidoo kale dhawaan Shan Qof oo Shacab ah ku Goowracay Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain