Baarlamaanka Dowlada Federaalka soomaliya ayaa cod Buuxa oo aqlabiyada ku ansixiyey R/wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaa’arke

Baarlamaanka Dowlada Federaalka soomaliya ayaa cod Buuxa oo aqlabiyada ku ansixiyey R/wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaa’arke

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo maanta hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay ku ansaxiyeen cod aqlabiyad leh.

Fadhiga Baarlamaanka waxaa soo xaadirtay 224 Xildhibaano oo ka tirsan Xildhibanaada Baarlamaanka Somaliya, oo wadartoodu ay dhan tahay 275 Xildhibaano, waxaana haa ugu codeysay 218 Xildhibaano.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ku dhawaaqay in cod buuxo lagu meelmariyay Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Somaliya. Wuxuuna u jeediyay in muddo bil ah looga doonaayo in uu ku soo dhiso Golahiisa Wasiirada cusub.

Ra'iisal Wasaaraha waxa uu Baarlamaanka kaga mahadceliyay sida dhameystiran ay maanta codkoodu u siiyeen, wuxuuna balanqaaday in uu soo dhiso doono Xukuumad tayo wanaagsan leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 17-kii bishaan soo magacaabay Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, markii uu u arkay nin aqoon iyowaayo aragnimaba leh.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain