Cusbitaalka Baargaal oo Dactir Lagu sameeyay Kadibna lagu wareejiyay Maamul Cusub (SAWIRO)

Cusbitaalka Baargaal oo Dactir Lagu sameeyay Kadibna lagu wareejiyay Maamul Cusub (SAWIRO)
Baargaal.net (Baargaal)Munaasabad Kooban oo ay wada qaateen Mas'uuliyiin iyo Maamulka Degmada Baargaal iyo masuuliyiinta hay'ada DIA ee dayactirtay Cusbataalka iyo mudanayaal ka socda golaha deegaanka iyo Maamulka Cusub ee Cusbataalka maqaalada Baargaal ayaa waxaa looga Hadlayay sida loo horumarin karo howlaha Caafimaad ee Cusbitaalkaasi u hayo bulshada Ku dhaqan Deegaanka waxaana Maamulka Cusbitaalkaasi lagu wareejiyay Maama Istanbuul Cali aadan oo ka shaqayn doonta sidii Horumarin loogu sameynLahaa qeybaha cusbitaalkaasi ka koobanyahay gaar ahaan qeybaha dhalmada,goobaha bukaanada la jiifiyo,iyo Daawada maadama ay waayo aragnimo u soo lahayd maamulka Xarumaha Caafimaadka oo hada ay gacanta ku hayso Maamulka MCH-ka Baargaal.

Gudoomiyaha Degmada Baargaal mudane Abuukar Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa Mas'uuliyiinta ka qayb gashay munaasabada wareejinta furayasha Cusbataalka ayaa Sharaxaad ka Bixiyay Marxaladihii uu soo maray Cusbitaalka iyo xaaladda uu ku suganyahay isagoo aad usoo dhaweeyay Maamulka Cusub ee la wareegay Cusbataalka iyo sidoo kale Hay'ada Fulisay mashruucan baahida wayn Bulshada Deegaanku U qabtay


maama Istanbuul Cali aadan oo lagu wareejiyay Maamulka Cusbataalka oo ka hadashay kulankaasi ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto haduu eebe yiraahdo horumarinta Cusbitalka Baargaal oo muddo aan shaqayn hadana ay hor leedahay hawshiisu.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumark Deegaanada Calbari '
Email baargaal@gmail.com 



Developed by Jago Desain