DEG DEG :- Masuul ka tirsan Puntland oo lagu weeraray qarax miino oo ka dhacay Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya inuu saaka ka dhacay qarax miino oo ah kuwa meelaha fog fog laga hago.

Qaraxan ayaa lala eegtay guddoomiye xigeenka gobalka Mudug ee maamulka Puntland kaasoo ku socday gaariga uu qaraxa haleeyay.

Dhaawac fudud ayaa kaso gaaray qaybta hoose ee jirka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad,ka dib markii Gaarigiisa loogu xiray waxyaabaha qaraxa

Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa hadda lagu Dawaynayaa Cisbitaalka wayn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland weli wax faahfaahin kama uusan bixin qaraxan uu ku dhaawacmay guddoomiye xigeenka gobalka Mudug ee maamulka Puntland .

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain