Diyaarad Air Asia oo kasoo Duushay Indonesia oo La la’yahay

Diyaarada Air Asia oo ka duushay dalka Indonesia, kuna sii jeeday Singapore ayaa la la'yahay, iyadoo diyaaradan ay lumisay xiriirkii ay la laheyd waaxda isku xirka duulimaadyada hawada, xilli ay 45-daqiiqo hawada ku jirtay.

Diyaaradan ayaa waxaa saarnaa 162 rakaab oo ay 7 ka mid ah ay ahaayeen shaqaalaha diyaarada, waxaana wali saacado la sii la'yahay, lamana oga ilaa iyo hada meel ay jirto.

Boqolaal ruux oo ahaa ehelada rakaabka saaran diyaarada ayaa wal wal soo wajahay, waxaana la geeyay goob gaar ah oo ku taal garoonka diyaaradaha Singapore, waxaana la filayay in diyaaradan ay ka caga dhigato marka ay saacada Singapore aheyd 08:30.

Diyaaradan oo tirsigeedu ahaa Airbus A320-200 ayaa la sheegay in la waayay, waxaana ilaa iyo hada la ogeyn inay bur burtay iyo in kale Hase ahaatee diyaaradaha dagaalka ee Indonesia ayaa wada baadigoobka diyaara, iyadoo ka raadinaya agagaarka Badweynta labada dal u dhaxeysa.

Duuliyaha Diyaarada ayaa la sheegay inuu dalbaday inuu xawaare sare ugu darsado duulimaadkiisa, iyadoo ay xumeyd jawiga Air Asia ayaa ah diyaarad aad u jaban, hase ahaatee ammaankeeda uu wanaagsan yahay, waxaana ay xarunteeda ku taalaa dalka Malaysia, waligood diyaarad kama bur burin ama ma lumin.

Sanadkan sii dhamaanaya ee 2014 waxaa qaarada Aasiya ay tahay sanad madow, kadib markii labo jeer ay bur bureen diyaarad laga leeyahay Malaysia oo kala ahaa MH370 oo ka soo duushay bishii March ee sanadkan, kuna sii jeeday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxaana saarnaa 239, taasoo ilaa iyo hada lagu la'yahay badweynta Hindiya.

Sidoo kale diyaarada Malaysia Airlineee MH17 ayaa iyana lagu soo riday iyadoo mareysay hawada Ukraine bishii July ee sanadkan waxaana ku dhintay 298 ruux.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain