Imtixaan Loo Qabtay Shaqaalaha Cusub ee Mashruuca TB-da Ee Degmada baargaal (Sawiro)

Baargaal: waxaa imtixaan looga qaaday Degmada baargaal , Gaar ahaan Cusbataalka magaalada Baargaal Shaqaalaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ee Mashruuca TB-da Puntland ee ka hawlgalaayaa Xarunta TB-da ee Degamada baargaal , Shaqaalaha ayaana xog iyo aqoon dheeri ah
laga siin doona  Mashruuca TB-da Puntland halka uu marayo iyo TB-du (Qaaxaddu) waxay tahay, calaamadaheeda iyo sida lagu kala qaado iyo adeegyada Caafimaadka qaaxadda lagu daweeyo ee ka jira deegaanka qaabka ay u shaqeeyaan.

munaasabada imtixaanka looga qaadaayay shaqaalaha Cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Baargaal mudane Yuusuf Maxamed Xirsi iyo masuulyiin kale oo lagu casumay.

Gudoomiyaha caafimaadka Degmada Baargaal ahna maamulha Mch-ka Baargaal Hooyo istanbuul cali aadan oo ka warbixisay imtixaanka shaqaalaha Mashruuca TB-da iyo dadaalada la doonayo in lagu hormariyo adeegyada caafimaadka ee cudurka qaaxadda iyo waliba sidii kor loogu qaadi lahaa
isku xirka goobaha caafimaadka ee Hooyada iyo dhalaanka iyo Xarumaha Daaweynta, Latalinta iyo baarista ee cudurka Qaaxadda (Puntland TB Centers) ee deegaanka .

waxayna sheegtay hooyo istanbuul cali in Shaqaalaha ku soo baxa imtixaankan la siin doono tababar ku saabsan TB-du waxay tahay, Calaamahada looga shakiyo ee qofkii isku arka ama ay ku arkaan
shaqaaluhu ay tahay inay baaris u diraan iyo Qaabka lagu kala qaado oo la isugu gudbiyo.

Dhalinyarada u U fariiastay Imtixaanka lagu xulaayo shaqaalaha mashruuca TB-da ayaa Dhamaa 9 qof oo isugu jiray gabdho iyo wiilal.










BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada
Developed by Jago Desain