Maamulka gobolka Gardafuu oo Amaro shaqo ku soo rogay shaqaalaha Dowlada ee Gobolkaas

Maamulka gobolka Gardafuu oo Amaro shaqo ku soo rogay shaqaalaha Dowlada ee Gobolkaas
Baargaal.net (Caluula) Maamulka Gobolka Gardafuu ayaa derder gelin xoogan ku wada howlaha shaqo ee xafiisyada Maamulka Gobolka Gardafuu 

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu C/qaadir Yuusuf Maxamed  iidi oo Dhawaan dib ugu noqday Magaalada Caluula ee xarunta Gobolka Gardafuu asaga oo ay weheliyaan masuuliyiin badan oo ka socda Maamulka Puntland oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo horumarinta Miyaga ee dawlada Puntland si loo dhiso golaha deegaanka ee qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Gardafuu.

Gudoomiye C/qaadir Yuusuf Maxamed iidi  ayaa wareegto uu ka soo saaray xafiiskiisa waxa uu faray dhamaan shaqaalaha Gobolka ee ugu magacaaban xilalka in ay soo xaadiraan shaqooyinkooda iyo xafiisyadooda .

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska gudoomiyaha gobolka Gardafuu ayaa faraysa dhamaan Shaqaalaha Dowlada ee gobolkaas ee ku kala maqan Dacalada aduunka inay dib ugu laabtaan gobolka kana bilaabaan dar dargelinta howlahooda shaqo.

wareegtadan ayaa Waxay fareysaa dhamaan shaqaalaha xilalka ku magacaaban gobolka Gardauu inta ka dhiman bishan in lagu dhaqan geliyo ayna ku egtahay waqtigeeda bisha koobaad ee sanadka nagu soo foolleh ee 2015 waxayna u digaysaa ciddi aan fulin amarkaas in lagu qaadi Doono talaabo Sharciga waafaqsan.

Waxay kaloo wareegtadani bilow u tahay  howlgelinta iyo bilowga shaqooyinka iyo Mashaariicdada horumarinta kala duwan ee la rajaynaayo in gobolka Gardafuu laga bilaabo sanadka cusub ee 2015.

Wareegtada Halkaan Hoose Ka Daalaco 

Shabakada Baargaal.net 
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 



Developed by Jago Desain