magacyada & noocyada geela

magacyada & noocyada geela

waxaan ku soo qaatay qoraalkan  geela laftiisa , magacayada iyo noocyada uu leeyahay  , waxyaabaha uu sameeyo geelu  , taasoo  ay yartahay  cid wax ka qortay  ,
geelu wa laba uun godol iyo gaadiid  , godol waa ka lalisto waana halaha gaadiidkuna waa kalararto waana ratiga  , noocyo iyo jaadad kala duwan ayuu leeyahay , midabo ayuu leeyahay , heerar kala duwan ayuu soo maraa  , aan u guda galno anoo ku horeynayaa  magacyada geela loo yaqaano

magacyada & noocyada geela
aaran   Geela lab iyo dheddigba   inta aan weli gaadhin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa
abeer          qaalin geela oo waqtiigii ay rimi lahayd gaadhay laakiin aan dhowr da'ood dhalin

afkuxuuble       Ilmaha  geela  ee isaga oo aan dhammays ahayn nolol ku dhashay
astaajir                         awr badan oo isku xiriirsan oo xamuul sida
awr                          Geela kiisa lab
awrdhal                hal da' kasta qurbac dhasha
baarfuran                     awr aan weligii la raran
baarqab             awrka geela lagu daro si uu u rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba
baatir                   qaalin geel ah oo aan wali rimin waqtigii ay rimi lahayd
bacadle                       awrka kala rarto      ee xooga badan
buubaal               awrka  la rarto ee rar diidka ah
buudhqab              hasha awrku abaahiyay ee  loo malaynayo inay rintay
caroofi         neefgeea oocaroofi ah waaka  ee laxaad ka weyn ee sanqaroorta rogan leh
cayuun/acyuun   geela gaagaaban ee laga helo deexda(dhulka badda xiga
da'fur                         ratigu markaa  qooqbaxay
dalawi                neef geela oo dakawi ah waa ka caanaha badan
dayrdhal    neefka geela ee dayrdhalka  ah waaka  xilli dayr ah dhalay
dhiito         Neef geela oo cayilan
doobbogoray                  awrka aan weli doobbada soo ridan
dulkumalable    ilmaha  geela ee dhiciska ah ee dhashay
eeraan  nooc geela ka mid ah oo dhaadheer
eyddin     noocyada geela mid ka mid ah
gaan  Geel aan irmaanayn
garmaal  geela la dhaqdo caano dartiis
gayax     hal ilmihii ka dhinteen ama lagaqalay oo irmaan oo igarnimo lagu maalo
geelxeraad       geel loo xerageeyey meel reerka ka fog
hal     geela kiisa dheddig
haleelo      geel markaa dhalay
honono'      waxa layidhaahda  geela marka  xilligii uu dhali lahaa muddo yar ka hor dhalo
hoor           nooc geela ka mid ah, caano badan  adkaysi yar dhogor yar bar gaaban
hootanuug      ilmah geela  ee yar ee  aan hooyadiis laga maalin
horweyn              geel badan
kadin  Boqol ka neef ee geel ah
luqmaliigle   neefka  geela  ee  da'da  yar ee cayilan
maaquurre      ilmaha  geela ee dhashay isagoon bilo dhammeysan
nirig    geela  ilmihiisa kiisa lab iyo dheddigba dhawaaqa ayuunbay ku kala duwanyihin
qaalin             neefka geela labkiisa ama dheddigiisa ee aan da'dii rarashada ama curashada weli gaarin dheddig iyo lab labadaba wa ladha  dhahaa dhawaaqa ayay kukaladuwanyihiin
qaan                  geela kiisa da'da ee oo aan weli curan   ama rarid gaarin
qalowle             geel aan irmaanayn
qolti                    hasha caanaha badan leh
qubul          neefka geela ah ee shilis
qurbac                       awrka yar ee da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin
ramad           geela markaa dhalay
rati                       geela  kiisa lab   ee da'dii rarashada gaaray
tashuumaa                       hasha had iyo jeer is nuugta
tayruuf                    geela meel fog udaaq tega
tulud                        neefka geela ah
xagurrin           geela  markaliya wada rima

______________________________________________
summadah geela lagu dhigo

cawaag   summad gaar ah oo geela lagu dhigo
dhaaddin             summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq wareegsan oo dadban oo tagoogta lagu dhigo
dhafoorshiid           summada geela ee laba barood oo dab ah oo dhaforrada lagu dhigo
dhig             summad geela lagu dhigo oo leh qaabka  dhig hoos u jeedda.
dildil                   summad geela lagu dhigo oo ah alif jiif   ahaan caloosha loogu jiido.
garabjiid           summad geela lagu dhigo oo ah alif ku jiidan garabka intiisa hore ilaa cududda meesha ay iska galaan
kabaal            summad geela lagu dhigo oo ah udub kor u jeeda oo meela kala duwan lagu dhigo
kelliggub              summad geela lagu dhigo oo ah bar dab ah oo kellida korkeeda lagu dhigo
mareeg                  summad geela qoorta looga dhigo  oo ah wareeg qoorta ku wareegsan.
qalin                  summad geela lagu dhigo oo ah diillin daanka loogu jiido si gudub ah
qalqale                  summad geela lagu dhigo oo qaabka qaansada ah oo dheegga lagu dhigo.
tarraar         summad Alif dheer u eg oo garabka ilaa caloosha gaaraya oo geela lagu dhigo.
udub                     summad geela lagu dhigo  qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan  looga dhigo
xaybooro             summad geela lagu dhigo oo leh qaab dhig hoos u jeedda oo lagu dhigo garabka.
_________________________________________
midabyada geelu yeesho
bacad           midab caddaan ah oo mid kale  ku dhafanyahay oo geelu yeesho
dawaaad                 midab madow oo  khadka u eg oo awrta qoodha ahi ku yeelato qadaadka
dayrcad                 midab cad oo geelu leeyahay.
fiil                          midabka  cadee geela
gaaf                         midabka geel ee madow xigeenka ah
goodircad                    midab geel oo ah madow
_______________________________________
cudurrada geela kudhaca
ajarro          cudur qanjidhada geela barariya
baal                      cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
beerkurus              cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.
cagsalaax                  cudur geela cagaha ka gala
car car                   cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya
daandheero                   cudur geela ku dhaca oo ka dhasha ilig si xad dhaaf ah u dheeraada oo uu  calaalintu ku adkaado
dhugato                   &nnbsp;  cudur geela sambabbada kaga dhaca oo qufac badan leh
dhukaan             cudur ur qadhmuun leh oo geela ku dhaca   oo neefka daaqa u diida oo uu la caatoobo              
guux                             cudur geela cunaha ka barariya
mal                             cudur ilmaha geela ku dhaca oo kuduudiya.
saanreeb                       cudur geela ku dhaca oo tabardarri ku reeba
______________________________________
rarka geela waxa lagu raro abjad            heeryo  culus oo ka sameysan  jawaanno iyo calallo iwm oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo
ambaal            raro awrka dushiisa la saaro si rarku aanuu wax u yeelin awrka



waxyaalaha iyo qalabka geela loo adgeegsado
sida , koorta , hadhuubka , xadhkaha , iwm


weelka lagu maalo
aameel            weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo geela lagu maalo
bire                            weel  ka samaysan qori  oo  leh af ballaadhan iyo sidde la qabsado oo geela lagu maalo
hadhuubgaal                    hadhuub weyn oogeela lagu liso
doobi             weel af ballaadhan  oo  dabool lahayn o la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo.
gaawe                     hadhuub weyn oo geela lagu maalo

______________________________________
magacyada koorta geela
aleen                        koor yar oo geela loo xidho
boodaan                     koor weyn oo geela loo xidho
guggundhaw              koor  carrab kaliya  leh oo jalaqda ka weynoo geela loo xidho
jalaq                             koor yar oo laba carrab leh oo geela lagu xidho


______________________________________
xadhigyada iyo ulaha
burshintuur              xadhig yar oo lagu dhuunjiyo faruurta sare ee geela si uu socodka u dheereeyo.
daddaabbe                       xadhig si isweydar ah lug iyo jeeni loogu xiro geela; weydaar.
gibilxeer                        xarig aad u dheer la isticmaalo in geel korkiis rar oo dhan ku xirayo.
gayax                                maydhax ah oo naasaha geela looga xero si aan qaanku u nuugin
keeno                         siriq hoggaanka loo yeelo oo geela inta gafuurka loo suro lagu wado
maraq                          mayrax  hasha irmaan afarteeda naas loogaga xidho
___________________________
tuurin                                  qori yar oo afkiisu fiiqan yahay oo hasha irmaan sanka logaga mudo si ilmo loogu sidko
qaydin                   ul dhuuban oo geela lagu  ilaaliyo.
________________________________________________________________
xubnaha geela , iyo waxa la xidhiidha
 geela xubnaha kuyaala iyo waxyaabah uu geelu sameeyo e uu kukaco
xubnaha ku yaal
baar   dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa
cagaf cuguf                         cagta geela.
ceelgeeye                            muruq weyn oo cududda geela labada dhinac uga jira.
coobbe                                cunaha awrka ee buufisma marka uu doobinayo
gaatir                        harag qolof adag noqday oo shafka  gorof legedka iyo cagaha uu geelu ku yeesho.
gardho             dhogorta geela markaa dhasha.
gommod                        cagta geela
gorofleged                 kugta dambe ee geela meesha maqaarka adag leh ee marka uu fadhiyo dhulka ku hayo
guuxaweyn                    qoorta geela inteeda hoose
hays                              meesh  godan ee kuruska iyo misigta geela u dhexeysa
maraqsaar           miskaha geela korkooda
sibir                lugta dambe ee geela boqonteeda
tuke-ku-xaar               kuruska geela meesha ugu sarreysa ee baarku ku yaalo
________________________________________
dabargoys                              haaraha dabarku ku reebo addimada awrka
dhaabalo                                qaniinyo awrta qooqani isu geysato markay dagaalamayaan
waxa ka so baxa xubnaha geela abur                   xumbo kaso baxda afka geela kiisa qooqan
bocor                           burcadka caanaha geela ka soo baxa.
jaan                caano geel oo aad u dhanaan
karuur                  caano geel oo dhanaan
xuuko              subag hilibka geela laga shiilo oo sida xaydha adkaata
___________________________________

orodka ama socodka geela
baabbacayn               orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba
mar qaado
baarrog                        qaab geelu u ordo oo uu hadba addin iyo lug is xiga isku mar qaada
dhabaabaco                    qaab geelu u ordo oo afarta addinba mar qaado.
durduro                             orod xawli ah oo geelo u ordo
laacdan                              ciyaar iyo orod uu sameeyo geela kiisa da'da yar
siligle /siliqle                 qaab geelu u socdo marka uu seetaysan yahay
_______________________________________________________________________________
cida ama codka uu sameeyo
abashuqle               guux iyo abur uu afka ka keeno awr doobbo soo ridi waayey.
cabaad                       cod dheer oo geelu sameeyo marka la xanuujiyo.
cargaag                          cabaadka uu sameeyo awr weyn
galoof olol                    ololidda neef geel ah oo gudhan oo u olola sida neef irmaan oo ubad u xidhanyahay.
jimiimic                            cod geelu sameeyo  marka uu rabo in laliso
juuco                                        cod nirgaha geelu ay samee-yaan
____________
 heesta geela


Geelaa Marku Daran Yahay
Laba Nin Duugtaye

Markay Diriro Horaan
Geeduhu Da' Jogaan
Dalawada Irmaan Ban
Kugu Diidin Nirigtoo
Godol Dabacasanatee
Gabno Kuma Daryeshee
Marti Kuma Deeqdooo
Gaawe Lagama Buuxshee


Geelaa Marku Daran Yahay
Laba Nin Duugtaye

Dunidoo Ah Jiilal
marka Ay Dameeruhu
Ilmahooda Diidaan
Isagaa Wax Daaqaba
Ugu Nolol Dambeeyo
Dihaalka Gajada
isagaa U Dul Qatoo
Abaar Kaaga Doogee
Geelaa Marku Daran Yahay
Laba Nin Duugtaye


Developed by Jago Desain