SHEEKADA TODOBAADKA : BOQORKII MARYAHA ISKA DHIGAY



Sheekada Todobaadka waxaan ku soo qaadanaynaa sheeko ka mid ah sheekooyinkii aad uga barateen Shabakada baargaal.net oo ah Sheeko Macna Wayn xambaarsan , anfaci Doontana Dad badan oo xilal yaha ama masuuliyad , oo isu arka inay caqli badanyihiin

Afeef : Sheekadan Cid gaar ah kuma socoto marka fadlan waxaan rajaynaanaa inaan tariibkan ay na soo gaarin fariimo cabasho ah iyo cid baad duraysaan sheekaduna sidan bay u dhacday :

Waxaa jirey boqor ku falnaa faanka iyo labiska dharka cusub, xaragadiisana wuxuu ku kharash gareyn jirey lacagta ugu badan maaliyadda boqortooyadiisa, waxeyna hawshiisa oo dhami isugu soo biyo shubatey arimaha la xiriira dharkiisa iyo ha lagaa sheego asagoon marna isku hawlin hawshii loo igmadey ee uu umadda u haayey..

Waxaa looga sheekeystey dabeecadaha boqorkaan deegaanada oo dhan,waxaa u soo shaqo tagey laba nin oo turufo-toorayaal ah, ayagoo ku andacoonaya in dhar tolidda meesha ugu sareysa ay ka gaareen, ayna diyaar u yihiin in ay boqorka ay u tolaan dhar gaar oo aan weligiis soo marin! dhar u suurtagalinaya boqorka kala saaridda dadka kuwooda wax-garadka ah iyo kuwooda doqomada ah, wuxuu si fudud u arkayaa qofka mudan xil in loo dhiibo iyo kan aan waxma-taraha, boqorkana waxaa u kordheysa cod-karnimada iyo soo bandhigidda qorshooyin dadka ka yaabiya..

Boqorkii fikir qoto dheer ka dib,wuxuu soo dhoweeyey fikradda, asagoo leh: Waa dhar aan horey ii soo marin, haddii aan helo waxaaba ii fududaanaya in aan kala garto dadka xukunkeyga ku hoos nool kuwooda caqliga iyo garaadka u saaxiibka ah iyo kuwooda maskaxdoodu foorarto oo bar caqli ahba aan lagu dhibcin, taasoo markaas awood ii siineysa inaan dadkeyga kuwooda waxgalka kaliya hareeraheyga ku xeero, kuwa aan kartida laheyna aan meesha ka eryo.. Isla markiiba wuxuu amar ku bixiyey in ay hawshooda guda galaan, wuxuuna u amrey in la siiyo hanti intey doonaan ayadoon wax dib u dhac lagu sameyneyn, waxaana loo qoondeeyey dahab iyo xariir wixii dharkaas geli kara oo ay weydiisteen nimankaas..
Labadii xariif awlaba hawshaan hawshoodii ma aheyne turufo-toornimo ayaa u geysaye, waxey isku ekeysiiyeen kuwo shaqadii dardar ku bilaabey, waxeyna weydiisteen dun badan, dahab aan la qiyaasi karin oo ay ku sheegeen in ay dharka boqorka ku dhejinayaan, iyo xariir qaali ah, har iyo habeen waxey ka dhawaajinayeen makiinadaha dharka lagu tolo, ayadoo aysan jirin haba yaraatee waxey tolayaan… alaabtii loo keeneyna ee laheyd dahab iyo dun xariirta aheydna waxey ku qarsadeen meel ayaga cid aan aheyn aysan ogeyn!!

Warkii dharka cajiibka ah ee boqorka loo tolayo iyo magaca labada ninba wuxuu ku faafey geyigii oo idil, dadkuna waa soo dhoweeyeen arintaan, waana ku bishaareysteen labadaan nin oo ay u arkeen rag ilaahey cirka uga soo tuurey, iyo xikmadda boqorkoodu uu ka dhaxli doono dharkaas, muddo ka dib boqorkii wuxuu jecleystey in uu ogaado halka uu marayo dharkii loo tolayey, wuxuuna go'aansadey la taliyaashiisa kan uu ugu kalsoon yahey inuu war uga keeno halka labadii xariif wax marsiinayaan, si ay ugu kala caddaato boqorka ogaanshiyaha mudada ka harsan dhameystirka dharka, la taliyihii boqorku oo uu ku tuhmayey biseyl, caqli badnaan iyo aragti dheeri, wuxuu soo aadey halkii lagu sheegey dharka in lagu tolayo, asagoo u galey labadii nin oo dhididku ka tifqaayo, makiinadihiina ka sharqaminaya.. wuxuu ku soo wareegsadey halkii ay wax ku tolayeen labada xariif, wuxuuna si la yaab ah naftiisu ugu yiri, maxey qabanayaan nimankaani, wax dhar ah oo ku jira makiinada oo indhaheygu qabteen maba jiraane, xattaa hal dunba Allaha ka dhigee!! balaayo ha idin hesho ayuu hoos u yiri, haddana wuxuu isku qanciyey dharkaan la tolayo qof aan garaad dheer laheyn ma arki karo ayaa la yiri, waxaana ii caddaaneysa inaanan ka mid ah dadka doqomada ah mar haddii aanan arki kareynin dharka la tolayo, waa inaan qariyaa arinta, oo aanan boqorka hortiisa isku fac-sharin ayuu ku gunuunacey.

labadii nin oo turufa-toorayaasha ahaa ayaa ninkii la soo direy inta wajigiisa aqriyeen ku yiri: Haye xaaji ka waran hawshaan aan wadno sidee u aragtaa? dharka aan toleyno wuxuu marayaa gabagabo waa adiga arkaya, maradaan ka waran? midabada aan ku xararney ma ku cajibiyeen? la taliyihii boqorku jawaab degdeg ayuu wuxuu ku yiri: waxaad qabateen hawl aad u wacan, nooca dharka iyo midabadaba waxaad geliseen maskax iyo dadaal badan, hadda marka aan idinka baxo waxaan ugu bishaareyn doonaa boqorka hawsha aad qabaneysiin xajmigeeda iyo meesha ay mareyso.. markaas ayey waxey bilaabeen in ay u sharxaan dharka ay tolayaan noociisa, midabkiisa, iyo sida uu ugu haboonaan doono boqorka, asaguna wuxuu bilaabey inuu madaxa u raxo hadlakooda.. waxey ka dalbadeen si ay deg-deg inta dhiman ugu dhameystiraan, duntii xariirta aheyd iyo dahab badan.. isla goobtii ayuu ku amrey in loo keeno waxa ay dalbadeen, sidii hore oo kale ayey ku riteen godkooda lama arkaanka ahaa, shaqadii ayey si geesinimo leh iyo firfircoonaan ku jirto meeshii uga sii wateen

Muddo ka dib ayuu boqorkii haddana go'aansadey in uu nin kale oo uu aad ugu kalsoon yahey u diro xaalka dharka, waana ninka soo labeynaya xagga kalsoonida ragga ku xeeran boqorka, asagoo boqorku isku qanciyey inuu yahey nin garaad u saaxiib ah, ka fiirsasho badan, aysanna waxba ka hoos bixi karin, ninkii goobtii dharka lagu tolayey ayuu tagey, waxaana isna ku dhacdey arintii ku dhacdey ninkii ka horeeyey oo kale, waxeyna weydiiyeen labadii xariif: ka waran mudane ma ku cajabiyey dharkaani sidii ninkii kaa horeeyey uu u cajabiyey oo kale? jawaabtii ninkii hore baxshey oo kale ayuu asna baxshey.. Haa, haa waa dhar aanan abid noociisu isoo marin, waa mid ku haboon boqorkeena, hadda ayaana u sheegayaa!!

Magaaladii oo dhan warkii si xooggan u ugu u galey warkii, waxeyna dadku ku farxeen in wixii markaan ka danbeeya boqorkoodu uu noqon doono mid xusha dadka boqortooyadaas ugu caqliga badan, awdabaalna uu daaqadda ka saari doono.. dadkii boqorka la shaqeynayey waxey bilaabeen in ay wadnaha farta ku qabtaan, ayagoo ka cabsanaya in seefta boqorku leefi doonto, ayagoo horey u ogaa in dad ka garaad badan ay bulshada ku buuxaan!!

Saacaddii la sugayey ayaa la gaarey, labadii turafa-toor waxey ku dhawaaqeen in dharkii sanaacadiisii ay soo idleeyeen, boqorkii asna dhankiisa wuxuu bixiyey ogeysiis inuu magaalada socod ku soo kala bixin doono asagoo labisan dharkiisa cusub, isla markaana dadka oo dhan la safo wadooyinka hareeraheeda, labadii nin waxey soo galeen qasrigii boqorka ayagoo gacmaha ku wada dharkii cajiibka lahaa ee ay sheegeen in ay soo toleen, dadkii goobta joogey la yaab iyo amakaag ayey dareemayeen ayagoon muujin karin dareenkooda… waxaa la wada sugayaa waqtigii dabaaldagga iyo farxadda, iyo in dadkoo dhan ay ka marqaati kacaan in ay arkeen dharkii boqorka loo tolayey iyo boqorka oo gashan..

Labadii nin boqorkii ayey u galeen ayagoo gacmo maran, laakin boqorkii waa is hantey, wuxuuna is yiri: ha noqon doqon dadkiisu ka caqli badan yihiin oo lagu maadeysto, waayo ayaguba waa arkayaan waxa ay sidaan labadaan nin!! qosol weyn ayuu ku dhuftey boqorkii, wuxuuna cod dheer ku yiri: Alla qurux badanaa dharkani, waxaad sameyseen dhar aanan waligey horey u xiran, waxaadna muteysateen bilad sharaf tan ugu sareysa oo maamulkeygu baxsho, ii dhiiba dharka aan gashadee, oo aan banaanka ugu baxo dadka waddooyinka ii safan!! labadii nin waxey ka siibeen boqorka dharkii uu watey, waxeyna isaga dhigeen in ay u galiyeen dharkii ay sheegteen in ay soo sameeyeen, boqorkiina asagoo dhar la'aaan ah ayuu dadkii banaanka ugu babxey (ceebey tacaal)!!!!!!!!
Boqorkii iyo mas'uuliyiinta la socdey waxey bilaabeen in ay magaalada lug ku soo kala bixiyaan, shacabkii dhammaan waxey bilaabeen in ay ku dhawaaqaan erayo boqorka lagu faaninayo, caleemo qoyanna waa u ruxeen, ayagoo qaadaya heeso soo ammaan ah waxeyna dhammaan iska indha tirayeen xaqiiqda indhahoodu qabaneyso, waxaa la waayey qof ku dhaca oo ku dhiirada inuusan arkeyn wax dhar ah, si aan loogu tuhmin qpfkaas doqonimo, iyo inuusan la qadin xilalka boqorku magacaabi doono awgeed!!

Wiil yar ayaa ku dhiiradey inuu yiraahdo waxaan ujeedaa boqor qaawan oo aan wax dhar ah wadan!! wiilkii afka ayuu furtey asagoo kor ugu qeylinaya: waxaan arkayaa boqorka oo qaawan, waxaan arkaa boqorka oo qaawan oon wax dhar ah xirneyn??!!!!
Warkii wiilkii yaraa dadkii waa isku dhiidhiibeen, si xawli ah ayuuna ku faafey, qof walbana qof kale ayuu u sii dhiiibey, waxeyna dadkii bilaabeen oo ay ku jiraan kuwii asaga la shaqeynayey in ay huradada ka kacaan, ayagoo ay u caddaatey wixii loo sheegey iyo waxa hadda loo soo bixiyey intuba in aysan aheyn wax jira.. waxaana bilowdey diidmo looga soo horjeedo yahey boqorka iyo kaaliyaashiisa been-hawaasyada ah...

Shabakada Baargaal.net
Isha waraka horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com/baargaalmedia@gmail.com

Developed by Jago Desain