Shire Cabdi Ismaaciil Goonyacade oo Loo Doortay Gudoomiyaha Degmada Caluule ee Gobolka Gardafuu ( Sawiro )

Golaha degaanka Degmada Caluule  ee Xarunta Gobolka Gardafuu ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta doortay Gudoomiyaha degmada iyo Ku xigeenkiisa  waxaana doorashada kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Caluule , Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu mudane C/qaadir Yuusuf Maxamed iidi iyo xubno katirsan maamulkiisa iyo Masuliyiinta dowlad goboleedka Puntland oo ugu horeeyo Wasiir Ku xigeenka arimaha Gudaha iyo Horumarinta Miyiga Mudane C/laahi Xaashi qoob deero ,waxgarad, warbahinta maqalka iyo muuqaalka ah iyo marti sharaf kale oo badan, .

Doorashada ayaa ka dhacaday Xarunta Madatooyada gobolka Gardafuu waxaana Xilka Gudoomiyaha degmada Caluule u tartamayay Ilaa iyo lix Musharax , waxaana wareegii labaad Isugu soo haray  labo musharax oo kala ah  Shire Cabdi ismaaciil Goonyacade iyo muuse saalax Guuleed.

Xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Caluula oo dhan 31 xildhibaan ayaa cod gacan taaga kudoortay gudoomiyaha cusub ee Degmada Caluule waxaana loolan adag kadib cod 17 ah ku guulaystay Shire Cabi ismaaciil Goonyacade oo noqday gudomiyaha cusub ee degmada Caluula halka Muuse Saalax Guuleed uu helay 10 cod.

Intaas kabib ayaa waxaa loo gudbay doorashada Gudoomiye ku xigeenka oo ay isu soo sharaxeen labo mudane oo kala ahaa,  C/risaaq Siciid Cali Dunge iyo Ciise Maxamed Cali Doorashada Gudoomiye Ku xigeenka oo ka koobnayd hal wareeg ayaa waxaa ku guuleystay oo noqday gudoomiye ku xigeenka degmada Caluule C/risaaq
Siciid Cali Dunge oo helay 16 cod halka  Ciise Maxamed Cali uu helay 10 cod.

Waxaa intaas kadib khadka taleefanka kaga soo qayb galay munaasabada doorashda Golaha Deegaanka Degmada Caluule Madaxwaynaha dawlada Puntland Prof. C/wali MAxamed CAli Gaas oo U hambalyeeyay Gudoomiyaha Iyo Ku doomiye Ku xigeenka la doortay asagoo ugu baaqay inay sidoo soo dhisaan Golaha Deegaanka Degmada murcanyo oo hada loo diyaargaroobaayo Dhismaha Goleeda Deegaanka asagoo Madaxwaynu sheegay in rajaynaayo Markay hawlaasi Dhamaadaan inuu Booqasho Ku yimaado gobolka Intii Harsanayd ee uusan horay u booqan.

Degmada Caluula ayaa waxay noqotay Degmadii afaarad ee ka tirsan Gobolka Gardafuu ee laga hirgaliyo Gole Deegaan oo cusub.

Maamulka iyo hawlwadeenada Shabakada BAARGAAL.NET waxay U hambalyaynaayaan Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Caluula Mudane Shire CAbdi Ismaaciil Goonyacade iyo Ku xigeenkiisa C/risaaq Siciid Cali Dunge , anagoo U rajaynayna inay noqdaan kuwa Guul iyo Horumar U horseeda Degmada Caluule iyo Dhamaan Deegaanada Gobolka Gardafuu 





Add caption





BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain