Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo Maanta Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Murcanyo (Sawiro)

Murcanyo (BAARGAAL.NET) Wafdi Balaaran oo Ay hogaaminaayeen Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu Mudane C/Qaadir Yuusuf Maxamed Ismaaciil iidi iyo Wasiir Ku xigeenka arimaha Gudaha iyo Horumarinta Miyiga ee puntland Mudane C/laahi Xaashi qoob deero oo wali ku jira hawlihii Dhismaha Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Gardafuu ayaa maanta si Farxad iyo rayn rayne ku jirto loogu soo dhaweeyay Degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu.

Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa oo gaaray magaalada Murcanyo Subaxnimadii ayaa waxaa halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyay Mas'uuliyiinta ugu saraysa Degmada Murcanyo ,Odoyaasha Dhaqanka, waxgaradka, ururada bulshada , ardayda Dugsiyada iyo dadwayne aad u farabadan oo uga hortagay Gudoomiyaha iyo wafdigiisa meel ka baxsan magaalada ayagoo ruxaaya Caleemo qoyan , iyo murti iyo suugaan lagu soo dhawaynaayo Gudoomiyaha iyo wafdigiisa.

Degmada Murcanyo ayaa ah degmada kaliya ee u hartay wafdiga Puntland oo ay rabaan inay u dhisaan Gole deegaan oo Cusub si hawlihii Kale ee Horumarinta Gobolka Loogu gudbo waxayna ku raja waynyihiin inay ku guulaystaan Dhismaha golaha Deegaanka Degmada Murcanyo

Daawo sida maantay loogu soo dhaweeyay wafdiga Gudoomiyaha Gobolka magaalada Murcanyo

Xuquuqda sawirada waxaa iska leh : Dhalinyarada aadka u dadaalaysa ee wiilasha iyo gabdhahaba leh ee Whatsapp group ayaaha Gobolka Gardafuu oo si toos ah u soo tabinyaa wararka Wafdiga Gudoomiyaha.







SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain