Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Oo Bilowday Dejinta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland 2014-15

Xarunta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee  Dowlada Puntland magaalada Garoowe ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey dajinta imtixaamadka kama danbaysta SHahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014-2015.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay  Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare,  gaar ahaan Xafiiska Guddiga Imtixaanaadka. Kullankaan  ayaa waxaa kasoo qaybglay macalimiinta ka hawlgala  Dugsiyada Dhaxe iyo kuwa Sare, shaqaallaha xafiiska imtixaanaadka iyo shaqaallaha kale ee ka mid ka ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Axmed Cabdi CaliShire ayaa hadalo daah fur ah ka sheegay maddashaas, isaga oo sheegay in kulankaani uu yahay mid ku aadan dejinta iyo diyaarinta Imtixaanaadka sanadka 2015. Waxaa sidoo kale Agaasimuhu sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee uu ka qayb galo munaasabad noocan oo kale ah kuna saabsan dejinta imtixaanaadka kama danbeysta ah ee Dawladda Puntland.

Agaasime Ahmed waxa uu macallimiinta dejinaysa imtixaanka kula dardaaray in ay shaqada loo igmaday ay ka soo baxaan iyaga oo tix gelin siinaya duruufaha waxbarasho ee wadankeena.

Sidoo kale waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Waaxda Imtixaamaadka Mudane Axmed Maxamuud Warsame (Axmed Saahid) oo ah madaxa Guddiga Imtixaamaadka Puntland. Axmed Saahid waxaa uu sheegay in 70 macallin ay sanadkan dejinayaan imtixaamaadka Puntland. Sidoo kale madaxa Imtixaamaadka Puntland ayaa xusay in tirrada macallimiinta dejin jirtay imtixaamaadka sannadihii la soo dhaafay ay intaa ka badnaayeen; 
balse, sannadkan ay hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaalle ee lagu kabi jiray imtixaamaadka.

Shaqada macalimiinmta dajinaya imtixamaadka ayaa ah in ay diyaariyaan imtixaanka ay u fariisan lahaayeen Ardayda dhigata fasalka 8aad (Dugsiyada Dhexe) iyo sidoo kale fasalka 12aad (Dugsiyada Sare). Dajintaas oo Soconaysa Mudo 5 maalmood ah.

Ugu danbayntii Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Imtixaamaadka ayaa si  wadajir ah ugu mahad celiyeen macalimiinta ka soo qayb gashay kulankaas.

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Developed by Jago Desain