Adidas Oo Manchester United Gacanta U Galisay £ 200 Million Si Aay Ku helaan Messi

Manchester United ayaa caawimo ka helaysa shirkada qalabka Sports ka sameysa ee Adidas sidii aay kula soo wareegi lahayd xiddiga kooxda Barcelona ee Leo Messi.

Kooxda Man. United ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro xiddigan iyado horay ay dalabyo uga gudbiyeen kooxaha Man .City iyo Chelsea

balse kooxda Red Devils aya hadda u muuqata inay kaga dulqaadi karaan kooxaha kale sababto oo ah , kooxaha Man. City iyo Chelsea waxaan hor istaagan xeerka maamul wanaaga ee FIfa,

dhinaca kalena shirkada Adidas, ayaa iyaduna waxay gacanta ka galisay kooxda Man .United £200 million, sii aay ula soo wareegto xiddigan
taasina waxay ka dhigaysaa in Man .United ay Si fudud kula soo wareegto jawharada kooxda Barcelona .

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain