Askari toogtay Khasnajigii Degmada Xarfo

Khasnajigii dowlada hoose ee degmada Xarfo ayaa goor dhaweyd ladilay,sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha degmadaasi C/fitaaxGuruu.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta u Sheegay in ALLE Ha U NaxariisteeC/llaahi Yaasiin Ciise (Maalin) ay dileen Askar ka tirsan dowladahoose ee degmada Xarfo.

ALLE Ha U Naxariistee C/llaahi Yaasiin Ciise (Maalin) ayaa kudhaawacmay rasaas ay ku fureen Askar ka tirsan dowlada hoose,waxaanauu ku geeryooday Isbitaal ku yaala Gaalkacyo.

Ilaa hada lama garanaayo u jeedka ay Askarta ka tirsan dowlada hooseay rasaasta ugu fureen Marxuumka,balse waxaa socda baaritaano aywadaan Ciidamada Amaanka.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain