Daawo Sawiradda Qaar ka mid ah Hubka Saaran Markabka Ku Xiran Dekedda Berbera

Maamulka somaliland ayaa Go,aansaday in La dejiyo Hubka Saaran Markabka MV Shaakir oo todobaadkani Lagu Qabtay Dekeda Berbera.

Waxaana shalay booqday Gudaha Markabka isla Markaasna soo arkay Hubka saaran Kooxda Qaramadda Midoobay ee UN Monitoring Group.

Dawlad goboleedka puntland ayaa ku eedaysay maamulka Somaliland inay iyagu leeyihiin hubkaas sharci darada ah waxana intaas ku dareen inuu hubkan khatar ku yahay amaanka Gobolka gaar ahaan Puntland oo ay sheegeen in Somaliland ay gacan ku leedahay dagaalada ka dhaca buuraha Galgala.

Dowladda Puntland ayaa baaq u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka Soomaaliya iyadoo u sheegtay in hubkan oo hada galay beriga Somaliland ay wax ka qabtaan intii aan dhibaato lagu geysan.


BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain