Daawo: Shahaado Sharaftii ugu Saraysay Qaranka Soomaaliya oo la gudoonsiiyey M/Weyne Erdogan{SAWIRO}.

Madaxweynaha Soomaalida Xasan Sh Maxamuud ayaa shahaado sharaftii ugu saraysay ee dalka Soomaaliya gudoonsiiyey madaxweyne Rejjeb Dayyib Erdogan oo booqasho rasmi ah ku joogey maanta Xamar.
Shahaadadam oo lagu xardhay astaanta qaranka Soomaaliya iyo calankeena oo Tabeebe laga sameeyey ayaa la siiyey Madaxweynaha, waxaana lagu yidhi waa dalkaaguu labaad, waxaana laga sheekeyey taariikhdii dheereed ee ka dhaxaysay labadan qaran ilaa qarnigii 16aad ee xiligii imaam Axmed Gurey dalka hogaaminayey.
Waa madaxweynihii u horeeyey ee aan Soomaali ahayn ee la siiyo shahaado noocaas ah, waxayna ka dhigan tahay xidhiidhka labada wadan ee walaala ah ee adkaaday.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI

Developed by Jago Desain