DAAWO VIDEO : Labo jir hooyadiis ku dilay bastoolad dalka Mareykanka

Wiil yar oo Labo sano jir ah ayaa si kam ah xabad ugu dhuftay hooyadiis, una geeriyooday xili ay ka adeeganayeen xarunta ganacsiga Wal Mart ee magaalada Hayden ee dalka Mareykanka.

Veronica Rutledge oo 29 sano jir aheyd ayaa boorsadeeda gacanta waxaa ku jiray bastoolad cabeysan, taasoo ay saartay gaariga lagu adeegto oo wiilka 2 sano jirka dhinac ka saarnaa, isagoo boorsada la soo baxay xili ay ko rogmaneyd soo qabashada alaab dukaanka dhex yiil, intii ay ku mashquulsaneydna uu wiilka yar u suuragashay inuu riixo keebka bastoolada sidaasina ku dhimatay hooyada.

Dalka Mareykanka waxaa caadi ka ah in qofka uu hub qaato, waxaana jira goobo ganacsi oo lagu iibiyo hubka.

Halkan Hoose Ka Daawo




SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 

email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain