DEDEG: RW Cumar C/rashiid oo Caawa ku dhawaaqaya Golahiisa Wasiiradda

Wariyaasha ayaa Caaw Fiidkii loogu yeeray Villa Soomaaliya, si ay Goobjoog ugu ahaadaan ku dhawaaqista Golaha Wasiiradda Cusub, oo la sheegayo inay yihiin dhamaan Shaqsiyaad ku cusub Siyaasadda dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Liiska laga saaray dhamaan Xubnihii horey ay Baarlamaanka u diideen, ee ahaa Ragga ku dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud, si Kalsoonida Baarlamaanka aysan u weynin Xukuumadda Cusub.

Baarlamaanka oo lagu wado inuu dhawaan aado Fasax, ayaa waxaa uu sugayaa oo kaliya inuu ansixiyo Golaha Wasiiradda Cusub oo Muran badan ka taagan.

Golaha Wasiiradda kuma jiraan Xildhibaanno & Wasiiradii hore, waxaana ay ka kooban yihiin 20 Wasiir & 20 Wasii ku xigeen, sida Illo Wareedkeena u xaqiijiyeen warbaahinta

Wararka ayaa waxay ku daraayaan in Golaha Wasiirada ay ku jiri doonaan Fahad Yaasiin oo kamid ah qeybta Carabiga ee Al-jazeera, Abdirahman Ceynte, Agaasiimaha Machadka Heritage oo ka tirsan Kooxda Aala Sheekh & Gudoomiyaha Jaamacadda Simad Odowa oo Damu Jadiid ah.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Developed by Jago Desain