Isticmaalka Internet-ka Oo Wakhtiyada Qaar Laga Digay

Baargaal.net: waxaa jira in dadka xiligan jira gaar ahaan Da'yarta intooda badan ay isticmaalaan Internet-ka iyagoo waliba ay jiraan qaar ku waashay oo aaj joogi karin hadeyan isticmaalin internet iyo Facebook , isla markaana saacad walba lagu dhex arko isticmaalka aaladaha kala duwan ee Internet-ka.

Taas waxaa u sii dheer in dhalinyaradaas ay intooda badan ay internet-ka isticmaalaan xiliyada habeenkii ka hor hurdada, taasoo digniin iyo qeylo dhaan ay kasoo saareen khubaro daraasado kala duwan ku sameeyay maskaxda bini aadimka.

Waxeyna daraasadan cusubi cadeysay in dadka u badan dhalinyarada soo koreysa ee aadka u isticmaala internet-ka , looga digay wakhtiyada qaar sida habeenkii ka hor hurdada in ay sababi karto cuduro halis ah.

waxaana kamid ah halisaha caafimaad ay deraasadani sheegtay : Walaac joogto ah, Indho madoobaad/La’aan, qofka isagoo hurda hadana isla hadla,Qofka isagoo hurda ayuu warqado dirayaa ayey leeyihiin culumadani.

sidoo kale qofka maskaxdiisa ayaa cuslaata,hadii uu ardey yahay wax barashadu wey ku adkaataa niyadna uma yeesho,qofka isagoo hurda ayuu is rog rogayaa si xad dhaaf ah xasuusta ayaa ka yaraata maalinba maalinta ka danbeysa wuxuu noqdaa qof daciif ah maskax ahaan iyo fikir ahaanba

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain