January 31, 2015

Maanso: Ma is baran karaynaa?

SHARE
Tixdan waxaa hal-abuuray Abwaan Ismaaciil Cabdi Nuur oo ah abwaan maansooyin oo dhallinyar kaas oo ku muujinaya hawraartiisa heerka maantay la joogo iyo waxa ay haweenku ku qiimeeyaan wiilka ay nolosha la qaadanyaan,

runtii waa tix si afshaxanimo leh ay isugu waydaarsanayaan ereyadeeda habka hal-abuurku u dhigay gabar iyo wiil dhallinyaro ah oo haase wadaag bilowgii taagan, taas oo gabadhu ay dookheeda ka hor duunyo iyo diinaar waydiiso, waa sida uu abwaanku u dhigaye.

waxaanu ku bilaabay tixda abwaanku sidan:

ma ogtahay barwaaqooy
inaan barashadaadii
beryo raadinaayoo
badda iyo berriba maray
inta bilic haweenliyo
hablaa boqoraddoodaay
beerihii jannada oo
isku soo burqadayeey
ma is baran ka raynaa?

haddaad moodday baashaw
baadi doonku kelidaa
inuu baadi kugu yahay
amba barashadaadii
beryaan radinaayoo
inta beled aad sheegtiyo
buur iyo bannaan maray
waxaad tahay nin boqoree
waan is baran karaynaa

boodhari sidiisii
inaan ahay bukaan socod
bil kastoo la joogaba
boqollaal haweenaa
sheeko ii bilaabaan
anna aan isbaayaco
adiguna barwaaqooy
waxaad tahay mid bilic lee
yaa boqol hallaad iyo
baar-qabkoodi kaa tuba

waxaad tahay nin boqoroo
bini aadminimadana
boqolkiiba boqollee
adigoon isbaayicin
aan boqol hallaad bixin
waan is baran karaynaa

dhulkoo beri samaadkii
lagu jiro baraariyo
biyo dahab la moodyeey
waynu sii balamaynaa
beri iyo bil waa kee?

waayahay baashow
barashadii dhammaatee
ballankii wuxuu yahay
birta lagama maarmee
baabuur ma leedahay?

baabuur hasheegine
beereey adduunyiyo
wax bakeeri lagu shubo
bilaalana ma haystee
ma is baayacaad baa?

birta lagu xamaashiyo
beerreey adduunyiyo
wax bilaale lagu shubo
baashaw ma hayside
bay baay inaadeer.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
SHARE

Author: verified_user