Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo markale booqasho ku imanaya Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku yimaado dalka Soomaaliya bishan Janaayo.

Madaxweyne Erdogan ayaa safarkiisa ugu horeeya ee sanadkan waxa uu ku tegi doonaa qaarada Afrika isagoo booqan doona 12 dal afar jeer.
Sida ay sheegayaan warar laga helayo madaxtooyada dowlada Turkiga wareegga koowaad ayaa waxa uu booqan doonaa wadamada Ethiopia,Tanzania iyo Somaliya.

Erdogen ayaa waxa uu booqasho ku yimid sanadkii 2011kii dalka Soomaaliya xilligaas oo uu ahaa Ra'iisal wasaare. Iyadoo xilligaas uu booqashada ku yimid Soomaaliya Erdogen ay abaar daran ka jirtay dalka taasoo kumanaan ruux ay ka soo barakaceen deegaanadoodii,

Dowlada Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh dalka Soomaaliya iyadoo mashaariic faro badan oo dhinaca horumarinta ah ka fulisay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu xariga ka jari doono Madaxweyne Erdogen furitaanka isbitaalkii hore ee Digfeer iyadoo lagu wado in laga bedelo magacaa oo loogu magac daro Erdogen.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain