Madaxweynaha Turkiga oo xariga ka jaray Terminalka Cusub ee loo Dhisay Garoonka Aadan Cadde (Sawiro)

Muqdisho (BAARGAAL.NET) Recep Tayyip Erdogan Madaxwaynaha Turkiga oo booqasho ku joogga Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu daqiiqado ka hor uu xariga ka jaray Terminalka cusub, ee Turkigu uu ka hirgeliyay Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay munaasabad loogu talla-galay in xariga uu kaga jaro Terminalka, ayaa wuxuu balanqaaday in Dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso shacabka Somaliyeed.

"Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada Somaliya, sida qurux badan leh, ee ay ugu soo dhaweeyeen Garoonkaan. Waxaan marka labaad u mahadcelinayaa shirkadda dhistay muuqaalkaan quruxda badan." Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.
"Muuqaalkaan wuxuu wax weyn ka bedelayaa bilicda Garoonka Magaalada Muqdisho, aad iyo aad ayaana ugu faraxsanahay. Dhismahaan iyo kuwo kale oo ka qurux badan, waxaan diyaar idinkula nahay inaan idinku dhisno si walaaltinimo ah." Sidaasi waxaa yiri Mr Erogan.

"Anigoo ku hadlaaya afka dadka Turkiga waxaan idin balanqaadeenaa inaan idin garab joogno, waxaana sii wadi doonaan taageerada aan idin siineyno. Dadka Turkiga anigaa u hogaamiye ah waana idin garab joognaa." Ayuu hadalkiisii sii raaciyay.


BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain