Madaxweyne Gaas oo daah-furay Mashruuca Latacaalidda iyo kasoo Kabashada Isbedelka Cimilada Soomaaliya

Madaxweyne Gaas oo daah-furay Mashruuca Latacaalidda iyo kasoo Kabashada Isbedelka Cimilada Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19-1-2015 daah-furay Mashruuca Latacaalidda iyo kasoo Kabashada Isbedelka Cimilada Soomaaliya.

Shirweynahakani lagu daah furayey mashruucani oo ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland, ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay wasiiro katirsan dawladda Puntland, masuuliyiin ka socday Hay’adaha ka howlgala gudaha Puntland, wafdi ka socday Dawladda Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland qeybtood iyo marti sharaf kala duwan oo ka socday bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madashii shirweynaha ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in maanta uu daah-furay Mashruuca Latacaalidda iyo kasoo Kabashada Isbedelka Cimilada Soomaaliya.

” Dawladda Puntland si qoto dheer ayey ula socotaa in cimilada isbadalaysa ay tahay mid kamid ah khataraha daran ee soo wajahay dunida, khatartani ma’ahan mid dhib ku ah deegaanka oo keliya, laakiin waxaa ay helis ku tahay amniga qaranka, amniga dunida, dhaqaalaha iyo saboolnimada dunida ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa ku baaqay in la garwaaqsado in bur-burka deegaanadeena iyo intifaacsiga xad dhaafka ah ee kheyraadka deegaanka, dhuxulshidista, dhir jarista iyo weliba ugaarsiga sharci darada ahi ay dhammaan ka qeyb qaataan doorsoonka xaaladda cimilo ee guud ahaan dunida.

” Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Hay’addaha madasha jooga iyo bulsho weynta Puntland iyo Soomaaliyaba in ay laban-laabaan dadaalkooda ku aadan gudbinta fariinta isbedelka cimilada ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waxaan jeclaan lahaa inaan u sheego GEF, UNDP iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya inaanu ku faraxsanahay in aanu helno mashruucii ugu horeeyey ee ku aadan isbedelka cimilada, baahina loo qabo in la soo balaariyo fikradaha noocaan oo kale ah” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in Dawladda Puntland ay ka go’antahay in si buuxda ay uga qeyb qaadato arrimaha waxkaqabashada isbedelka cimilada iyo maareynta deegaanka Soomaaliya.
 -DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : plpresidecymedia@gmail.com
Developed by Jago Desain