Nin Baxri yamani ah oo saarnaa doon Kalluumaysi oo Murcanyo lagu dilay

Nin Baxri yamani ah oo saarnaa doon Kalluumaysi ayaa subaxnimadii khamiista lagu dilay xeebta Degmada Murcanyo ee Gobolka Gardafuu kadib markii ay doontii uu saarna damacday inay dhaqaaqdo.

Ninka baxriga ah ee u dhashay yaman ayaa lagu magcaabi jiray saalax cumar bin qanab wuxuuna ka soo jeeday gobolka xadramout ee dalka yaman.

Ilaa hada lama hayo sababta weerarka iyo waxa ay isku qabteen baxrida doonta iyo dablaydii falkaas gaysatay.

Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku soo badanaayay xeebaha soomaaliya Gaar ahaan xeebaha Puntland doonyo si sharci darro uga kaluumaysanaya xeebaha iyadoo marar badan dhacdo in ururda kallumaysatda iyo maamulada maxaliga ahi isku dayaan inay soo qabtaan doonyahaas sida sharcidarada ah u kalluumaysana waxaana ka dhasha is rasaasayn iyo inay dad ku dhintaan hawl galadaas.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain