Raysil Wasaare Sharmaarke oo Shuruudo Adag Ku Xiray Xildhibaanada Wasiir Doonka Ah


R/wasaaraha Xukuumada soomaaliya Cumar Cabdirashiid cali sharmaarke, ayaa raga doonaayo inay kamid noqdaan Golaha wasiirada cusub ku xujeeyay shuruudo adag oo la sheegay in looga baahan yahay Xildhibaanka raba inuu kamid noqdo xukuumada cusub.
R/wasaaraha ayaa shuruudahaani ula gun leh inaan Xukuumadiisa mar kale la kulmin Caqabad kaga imaada dhanka Baarlamaanka.

Shuruudaha lagu xujeeyay ayaa waxaa kamid ah:-
1-In shaqsiga doonaayo inuu kamid noqdo golaha wasiirada uu kalsooni iyo saxiix kala imaado dhamaan Xildhibaanada beeshiisa ee ka tirsan baarlamaanka.
2-Inuu ahaado Xildhibaan ama wasiir hore oo aan laheyn mucaarad ka hor imaada xiliga wasiirada la ansixinaayo.
3-In Odayaasha beeshiisa uu ka heysto kalsooni suuragalin karta inaan caqabad ku noqon xilka loo magacaabayo.
4-Inuusan aheyn mudane u taagan eegashada maslaxadiisa oo kaliya.
Wasiirada uu R/wasaare sharmaarke doonaayo inuu kusoo daro Xukuumadiisa, ayaa waxaa kamid noqon doono qaar kamid ah Wasiiradii ka tirsanaa xukuumadii dib loo celshay.
Si kastaba ha ahaatee, R/wasaaraha dalka ayaa looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumad ka duwan tii dhawaan dib loogu celiyay

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain