Sheeko Qosol Badan : caawo waxaan xulanayaa lammaanaheyga nolosha

Sheeko Qosol Badan : caawo waxaan xulanayaa lammaanaheyga nolosha
sheekada Maanta waxaan ku soo qaadanaynaa sheeko qosol badan micne iyo ujeedooyin badan wadata sheekadii waa tan :


Waa saddex wiil. Waa guur-doon. Waa loollan. Gabadhu waa Shukri. Garasho iyo leh gar-soor. Waa bilic muuqata iyo billad loo tartamo.

Shukri waxa ay maalmo badan soo dhageysatay oo ay mid mid ula fadhiisatay wiilashaan. Maalintii danbe ayay go’aansatay inay saddexda wiilba hal meel isugu keento—oo ay tijaabiso.

Goobtii lagu ballamiyay ayay wiilashii hal hal u yimaadeen.

Haddaba i maqla,” ayay tiri Shukri, “caawo waxaan xulanayaa lammaanaheyga nolosha. Waxaanse rabaa in aan caawo ogaado qof walba dhibtii ugu darneyd ee uu nolosha soo maray—iyo siduu uga baxsaday. 

Horaa loo yiri raggu jabkiisuu ka sheekeeyaa. Haye, yaa wax isku hayo?”


Isla markiiba waxaa isa soo maqiiqay Nuur.

Aniga i dhageyso,” ayuu yiri Nuur, “ifka kama heleysid cid iga karti badan. Noloshaan aqaan—iyo sida la isku dabbiro.”
Bal haddaba soo daa,” ayay tiri Shukri, “oo ii daadi sheekada.”

Gabbal-dhac iyadoo la joogo,” ayuu hadal ku billaabay Nuur, “

 waxaa luuq iiga hor yimid raxan eeyo dad cun ah. Way isoo ceyrsadeen. Eeydii oo sidii ii soo ceyrsanayo ayaan laammiga weyn ku soo dhacay.

“Waxaan nasiib wanaag gacanta u taagtay gaari waddada socday. Wiil dhallinyaro ah ayaa waday, oo wuu ii istaagay. Wuxuu igu yiri gaarigaan hal mar ayaan joojiyay, mar labaadse ma joojinayo.

 Waxaan iri waayahay oo mar uun eeydaan iga fogee walaalow. Markii aan eeydii ka soo fogaannay ayaan iri walaalow gaariga ii jooji aan degto,e.”
Saaxiib gaarigan lama joojinayo,” ayuu igu yiri wiilkii, “horaan kuugu digay.”
“Waayahaye goormaad joojin doontaa?” ayaan iri.

Suuyeen: “Markii aan fuliyo camalka barakeysan—oo aan madaxtooyada gaaro.”
Camalkee barakeysan?” ayaan iri anigoo indhaha taagaya—tuhunna i galay.

Iima uusan jawaabine wuxuu i tusay bambooyin ku xirnaa calooshiisa.

“Walaalow i deji,” ayaan iri anigoo naxdin la dubaaxeynaya, “waan ku tuugaa.
Ashahaado saaxiib,” ayuu igu yiri, “madaxtooyadii way soo dhowdahaye.”
Wadnaha ayaa afka i yimid. Naxdin. Quus.
“Ashahaado aah?” ayaan la soo booday.
Ima uusan eegeyn, wuxuu indhaha ku hayay laammigii dheeraa.
Walaalow xitaa igu celi eeydii iyaga aanba orod uga baxsadee,” ayaan ka baryay, “intaas lee asxaan iigu samee.”
Wiilkii iima jawaabin, oo waa diiday

“Waxaa iga soo daatay duuf iyo illin. Saa waxaa ii soo muuqatay sartii madaxtooyadii. Wiilkii inta sheellaraha ku sii istaagay ayuu billaabay inuu dhaho Allaahu Akbar. Allaahu Akbar. Markaasaan Ilaah ka baryay in hadduu iga badbaadiyo mixnaddaan in aan joojin doono gabdhaha badan ee aan u sheekeeyo.
Intaan iscelin waayay ayaan ilbaabkii iska furay, oo is tuuray kii oo weli ku qeylinayo takbiirta. Isag

ii oo aan gaarin madaxtooyada ayay dileen, anigana waxaa i soo ceyrsaday askar oo baas igu soo furay.

Jabkaas ayaan ka soo dabaashayee nimaan nolosha jab ka soo marin yuusan Shukriyeey kuu sheekeyn.”

“Sheeko iga dheh,” ayay tiri Shukri, “haye, yaa ku xigo?”
Macow dib dib ayuu isku reebay—oo isqaafiyay. Cali-xariif ayaa isa soo maqiiqay.

“Wuxuu sheegaayo waa raqiis,” ayuu yiri Cali, “aniga iga dhageyso dhibta aan nolosha ka soo maray iyo sida aan isku debbaray.”

“Bal haddaba soo daa,” ayay tiri Shukri.
“Tahriib anigoo ah,” ayuu hadal ku billaabay Cali, “ayaan ka gudbay xuduudka Sacuudiga. Waan iska lugeeyay. Habeennimo ayaa la galay. Harraad iyo tabar-darro ayaan la socon waayay. Waxaan ka soo dul dhacay tuulo yar.

“Gurigii iigu horreeyay ayaan ilbaabkiisa garaacay oo aan biyo weyddiistay. Waxaa iga furay nin maseyrlow ahaa. Markii uu arkay ninkeygaan madow ayuu la soo booday seef u surneyd derbiga. Oo i ceyrsaday isagoo leh magaaladii ayaan dartaada uga soo guurayee tuuladana ma iiga daba timid?
“Intaan sasay, oo tabar aanan laheyn iska raadshay, ayaan labo luuq ka dhex dusay. Markii aan ogaaday inuu iga haray ayaan laammigii dheeraa cagta soo saaray anigoo cabsi la hinraagayo. Saa waxaa gadaasheyda ka soo ifay nal gaari.

“Farxad darteed ayaan gaarigii u istaagay bartankii waddada. Gaarigii wuu ii istaagay. Intaan ku orday ayaan darawalkii weyddiistay biyo aan cabo. Mise waa askar Sacuudiyaan ah oo uu hor kacayo ninkii maseyrlowga ahaa. Naxdin. Oo sidii inuu dhulku igu dhegay ayaan tallaabo rogi waayay. Askartii inta iigu soo degatay sidii haaddii ayaan ka warhelay anigoo dhex jiifo sagxaddii gaarigii ciidanka. Dharbaaxo iyo qanjaruufo ayay igu billaabeen. Kii maseyrlowga ahaa ayaa ii soo baxsaday oo hal feer ah sanbuuqada igala helay. Miyir markaas ayaa iigu danbeysay.

“Waxaan soo kacay anigoo dhex jiifo sagxaddii gaariga, oo ay ciidankiina salaad ku jiraan. Intaan si tartiib ah uga degtay gaarigii, oo buraashad biyo ah horey u sii laacay, ayaan waxaan gaarigii kala baxay furihii oo ku tuuray meel mugdi aheyd. Markaasaan soo baxsaday oo waxaan Ilaah ka baryay haddii aan guuleysto inaan gudi doono xaqa gabdhihii aan soo furay.

“Nuurna kulahaa eeyo ayaa i soo ceyrsaday. Adeer nin waddankiisa uu libaax ku ceyrsaday wuxuu dhaammaa nin ay bisad ku ceyrsatay waddan shisheeye. Sababtu waxay tahay libaax dalkaaga jooga wuxuuba yaqaannaa haddii aad yur iska tiraahdid, laakiin bisad joogto dal shisheeye yaa og inay yur u taqaanno kaalay i ceyrso oo i cun?”

Shukri qosol ayaa ka soo fakaday.
Nuur iyo Cali waxa ay eegeen Macow.

Wadaayga tookadaada waaye,” ayuu yiri Nuur, “wax ma isku heysaa?
Macow ma’uusan jawaabin. Waa quus. Waxaa ku dhegay hadalkii.
“Macow,” ayay tiri Shukri, “waa markaaga. Bal jabkaaga nooga sheekee iyo sidaad isku debbartay.”
“Shukri ani adaa ku jeclahay,” ayuu cod qafiif leh ku yiri, “laakiin ani balaayo aan sheego ma haayi.”
Waxaa qoslay Nuur iyo Cali.

“Wadaayow meesha isaga dareer,” ayuu yiri Cali-xariif, “ha nagu noqon il-fuuree.”
“Orod hooyadaa gabar ii doon dheh,” ayuu daba dhigay Nuur oo qoslaya.
“War wiilka daaya,” ayay tiri Shukri, “ma idinkaa u yeertay? Macow, noo sheeg mar un aad dhibtootay iyo sidaad uga baxsatay.”

“Galabkoo, een, haa, galab kasta,” ayuu yiri Macow, “waxay ummaayadeey noo dubtaa bajiye.”
Markuu intaa yiri ayay Nuur iyo Cali ku cammirteen.

Macow wiilashaan ha u bixin,” ayay tiri Shukri, “sheekada ii wad.”
Macow wuxuu haruufay Nuur iyo Cali.

“Anina waxay ummaayadeey igu deysay,” ayuu yiri Macow, “inaan sameeyo bisbaaskii lagu cuni lahaa bajiyaha. Alxaasil anoo galabkoo riiqaayo bisbaaskii aas isha iiga faniinay.”
“Markaasna?” ayay tiri Shukri, “markii uu bisbaaskii indhaha kaa galay maxaa ku xigay?”
“Hee maxaa ku xigi lahaa?” ayuu yiri Macow oo yaxyax la carooday, “ashuunkaan ku cararay, biyo qabow aan shabkax ku siiyay indhaheeyga, ummaayadeeyna way iga afuuftay.”
“Ha kaa saarto,” ayuu yiri Nuur oo jeesjeesaya.

Macow ha u bixin,” ayay tiri Shukri, “noo dhameystir sheekada.
“Markaaseetina bajiyihii aan suuqa u qaaday,” ayuu yiri Macow, “laakiin hee galabkaasoo dhan ishaa i guduudneyd, oohin lee iga qubaheysay. Markaan bajiyihii soo gadaa soo baxay. Mininka markaan dalaq dhahaa damcay inaan beesadii siiyo ummaayadeey. Laakiin maxaa ii dhiibataa ka dhacday, jeeb-siibaa laygu sameeyay. Kud aan isku dhahay. Dhididkii ummaayadeey aa tacab qasaaray noqday. Mashaqo lee. Waa i murjiyeen kuwii i jeeb-siibay.”

“Baravo,” ayuu yiri Nuur oo sacbo-tumaya, “baravo Macow. Kafantaada ayaad gacanta ku tolatay.”
“Ar idinkana waad i murjiseen,” ayuu yiri Macow, “laakiin calafkey lee sugahaa. Booto wax ma tareeso, yaa Allaah.”

Waxaa hadalkii daftay Shukri, oo go’aankii ugu danbeeyay dhiibtay.
“Dhallinyaro i maqla,” ayay tiri Shukri, “waxa aan kulankaan isugu kiin yeeray si aan u xusho lammaanaheyga nolosha. Nuur, aad baan uga helay sheekadaada iyo sida aad uga soo baxsatay qaraxii shabaabka. Cali adigana salaan ayaanba kuu taagay, oo dalmar ayaadba tahay. Macow, meesha waxba kuma heysid, oo jabka aad sheegtay waa mid raqiis ah.”

Macow loox soo taagan ayuu noqday. Waxaa ka tagay tabartii iyo nashaadkii ruuxda. Oo quustay.

“Nuur,” ayay tiri Shukri, “jabkaaga ka sheekaysaye hayeeshee waxaad jebisay hankii aan kuu qabay. Markii aad Ilaah barisay waxaad ku duceysatay inaad joojin doontid gabdhaha badan ee aad u sheekeysid. Haddaba aniga Shukri ahaan xiise iyo maaro uma hayo sheekeeye gabdho-shiriye ah. Iga raalli noqo wiilyahow.”
Nuur afkaa kala tegay. Sas iyo filanwaa.

“Cali,” ayay tiri Shukri, “markii aad Ilaah gacmaha u taagatay waxaad ku duceysatay inaad xaqooda siin doontid gabdhihii aad soo furtay. Nin dumar kale soo luggooyay uma maleynayo inay nafteyda ku xasileyso. Iga raalli noqo wiilyahow.”

Cali ma nixine madaxa ayuu iska xoqxoqday. Nuurna wuxuu ku farxay wixii lagu dhigay Cali.
“Macow, markii aan sheekadaada dhageystay,” ayay tiri Shukri, “waxaa ii soo baxday inaad tahay wiil jecel inuu shaqeysto oo iimaan ku qabo dalkiisa inuu bajiye ku gado, oo xirfad leh, xalaal miiradna ah, oo aan suuqyada ka booteeynin.”
Waxaa is-eegay Nuur iyo Cali-xariif.

“Macow,” ayay tiri Shukri, “adigaan caawo ku doortay.”
Macow neecow qabow ayaa laabtiisa dhex mushaaxday. Oo farxad isla kala waayay.

“Shukri,” ayuu yiri Macow, “sharaf badaney, soo baxba ummaayadeey aan ka soo farxiyee galabta.”
“Waryaahee Cali,” ayuu yiri Nuur, “waan jabnayee maxaa talo ah?”
“Gabar ma kula dhalatay?” ayuu yiri Cali-xariif.

~Dhammaad
Developed by Jago Desain