Shir balaaran oo Qurbajooga Soomaaliyeed uga furmay Magaalada Kigali , Rwanda

Shir balaaran oo Qurbajooga Soomaaliyeed uga furmay Magaalada Kigali , Rwanda
Kigali:  Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Hotel Des Mille Collines by Kempinski ee Magaalada Kigali ee Caasimadda Rwanda Shirkii ugu balaarnaa oo ay iskugu yimaadaan Qurbajooga iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed , iyadoo shirkani qaban-qaabadeeda ay leedahay Waaxda Arrimaha Qurbajooga iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , laguna cazuumay wakiilo kala matalaya Jaaliyadaha iyo Qurbajooga oo ku dhow illaa iyo 120 xubnood, diblomaasiyiin shisheeye oo ka howlgala Rwanda , Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,  diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda , Wakiilo ka kala socda Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta .
Shirkani oo ku tala-galkiisu yahay inuu socdo muddo shan cisho ah , looguna saldhigi doono qorshaha dib u dhiska iyo maalgashiga Soomaaliya ee ay ka qeyb qaadanayaan qurbajooga Soomaaliyeed , ayaa ka qeybgalayaasha waxa ay ka doodi doonaan Qorshaha Siyaasadda iyo Maalgashiga ee uu soo diyaariyay Xafiiska Waaxda Arrimaha Qurbajooga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga (Office for Diaspora Affairs “ODA”).
Furitaanka Shirka ee  maanta ayaa waxaa hadal ka jeediyay Ergeyga gaarka ah ee gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOMAmbassador Dr. Maman S. Sidikou oo sheegay in Soomaaliya ay ku dhaqaaqday dhabaha nabadgelyada ,siyaasadda iyo horumarka , waxa uu yiri “ waa inaan diiradda saarnaa mustaqbalka Soomaaliya , dalkiinu hadda ayuu idin baahan yahay, waa inaad ka fikirtaan qorshaha dib u dhiska ” .
Waxa uu sidoo kale xusay in kooxda Al shabaab aaney sii jiri doonin oo ay dhabarka ka jabin doonaan , waxa uu is weydiiyay “ miyaad ku faraxdaa haddii dalkaaga loogu yeero  dal argagaxiso ama burcad badeed” waa MAYA.
Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ali Omar oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkani ayaa isna muujiyay sida dowladdu ugu baahan tahay kaalinta qurbajooga Soomaaliyeed , isagoo uga mahadceliyay Midowga Africa , ACCORD iyo hey’adaha ku lamaansan fududeynta qabsoomidda Shirkani , waxa uu yiri “ Soomaaliya dib ayey u soo kabaneysaa , waa inaan dib ugu laabanaa dalkeena oo aan maalgashannaa”.
Agaasime Ali Omar ayaa xusay  in Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD ee ku qabsoomay gudaha caasimadda Muqdisho ay muujisay horumar ammaan iyo siyaasadeed .

Ambassador Welile Nhlapo oo wakiil ka ahaa Hey’adda ACCORD ayaa madasha shirka ka sheegay in hey’addiisu ay ka caawiso Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ugu horeyso xal u helidda khilaafaadka , dib u heshiisiinta iyo horumarinta siyaasadda , ayaa waxa uu dib u xusay kaalinta Soomaaliya ay ku laheyd qaaradda Afrika si gaar ah South Africa .
Parfait Gahamanyi oo ah Agaasimaha guud Xiriirka dhinacyada badan leh ee Wasaaradda Arrinaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Rwanda ayaa ka sheekeeyay xiriirka taariikhiga ah ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya oo ah mid dhinacyo badan khuseeya ,isagoo sheegay in ay tababaraan shaqaalaha dowladda , ayna diyaar u yihiin inay ka caawiyaan Soomaaliya dhinaca horumarinta iyo xal u helidda khilaafaadka .
Waxa uu ka sheekeeyay gumaadka loo geystay Qowmiyadda Tutsi sanadkii 1994 , isagoo tibaaxay  in dhibaatooyinkii  dagaaladaasi ka dhashay looga gudbay wadahadal iyo xal hoose oo dadka reer Rwanda ay gaareen .
Waxa uu dhanka kale sheegay in Qurbajooga Rwanda ay ku deeqaan lacago agoonta iyo mashaariicda dib u dhiska iyo maalgashiga .
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Qurbajooga iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Abdulkadir Ahmed Mohamed “ Kamtirey”ayaa ugu baaqay ka qeybgalayaasha inay kaga doodaan fadhiyada kala duwan ee shirka  qorshayaasha qurbajooga kaga aadan horumarinta iyo maalgashiga dalka .
Hassan Abdullahi oo ah Kusimaha gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Rwanda ayaa ku soo dhoweeyay ka qeybgalayaasha shirkani magaalada Kigali , isagoo kaga mahadceliyay dowladda Rwanda martigelinta shirkani , waxa kale oo uu u mahaceliyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AMISOM ee ka qeyb-qaadanaya howlgalada ammaan ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beieh ayaa ku howlan dejinta qorshayaasha maalgashiga , iyadoo lagu dhiirigelinayo qurbajooga Soomaaliyeed , shirkadaha shisheeye iyo dowlado inay maalgashi ku sameeyaan dalka Soomaaaliya oo ah dal dhex ceegaago kheyraad kala duwan dhulka iyo badda .

BAAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain