Tix Gabaya Ku Socota Jananka Ciidanka…..Shaqalow Biraa Lama Cuniyo, Dhagaxa Buuraaye

Waxaan Halkan Ka Salaamayaa Saxaafada Xorta Ah Iyo Shacabka La Midka Ah Ee Dalkooda Iyo Dadkoodaba Jecel Ascw Bacda Salaan Ku Soo Dhawaada Tixdii Janan Shaqale.
Shaqalow Biraa Lama Cuniyo, Dhagaxa Buuraaye
Beertii Saleebaan Bidaa, Kala Badh Boobteene
Maantana Garoon Boodhle Ba, Baalka Fadhateene
Bahalyahoy Inaad Dabin Gashaan, Kaaga Baqayaaye
Burdi Waxa Le Daakhiligan Aan, Baydna Tarahayne
Birmagayda Daa Qaylisiyo, Baaqan Odayaasha
Beryahaaba Waa Yaabanayn, Kiiskan Soo Baxaye
Bililiqadan Deriskiyo Inataad, Baloodho Jeexaysay
Bilistiyo Agoomaha Intaad, Baad Ka Guranaysay
Baalaha Magaalada Intaad, Buulal Duminaysay
Baarqab Baan Ahaa Iyo Intaad, Beenta Fidinaysay
Waa Taa Dil Lala Beegsadee, Geeshki Baylahaye
Baasheyaal Wataa Lagu Dhugtamay, Ciidankii Bariye
Bilad Baa Lagugu Tolay Adoon, Koob Biyey Weliye
Birjeex Iyo Madheeraba Ragii Jebiyey Baa Noole
Baaruuda Nimankii Lagalay Boholaha Noole
Balaayada Nin Ragi Waa Yaqaan Baabka Ay Tahaye
Booliga Kuwii Lagu Korshaa Kuma Badbaadaane
Basanbaas Xun Bay Leedahoon Laga Bogsoonayne
Beer-Kiyo Waxay Kaa Gubtaa, Beerta Aad Faliye
Bisin Kaad U Qabataa Aduun Barako Yeeshaaye
Beledkeenu Waa Wayn Yahoo Boosas Waad Heliye
Baalahaaga Eeg Jananyahoow Maad Baraarugine
Bulshadana Salaan Iiga Gee Ciidan Barakaysan
Ilaah Baa Badbaadada Heyee Wada Barwaaqooba.

Waabilaahi Tawfiiq
By.Cabdiwelli Cabdillaahi Yalas.
Developed by Jago Desain