War deg-deg Ah:-Boqorkii Dalka Sucuudi Arabia Boqor Cabdalla Oo Goor-dhawayd Geeriyooday Iyo Ninka Loo Cumaamaday Boqornimada Dalkaas

Boqorkii dalka Sucuudi carabiya boqor Cabdalla cabdilAziiz Al saud ayaa geeriyooday sida uu baahiyay telefishanka qaranka ee dawlada sacuudiga waxaana dhimashada boqorka xaqiijiyay boqorka walaalkii Salman.

dhanka kalena Boqor Salman ayaa loo boqray una doorteen qoyska iyo golaha wadatashigu inuu la wareego dhaxalka. "boqor Salmaan bin cabdilAziiz Al saud ayaa u xaqiijiyay qoyska iyo qarankaba dhimashada Adeegaha labada masjid boqor cabdallah bin cabdulaziiz inuu geeriyooday subaxii hore.

Boqor cabdalla oo dhashay sanadkii 1923,kii ayaa xukunka qabtay 2006,dii isagoo gacan bir ahna ku qabtay ka dib markii xanuun ku soo booday walalkii boqor fahad bin Abdulaziiz.

Boqor Salman bin cabdulaziiz oo 79 jir ah ayaa ahaa dhaxal sugaha iyo wasiirka gaashaandhiga ahna barasaabka Riyaad ilaa 2012 dii.

Boqor salman oo ay u doorteen qoyska ka arimiya dalka sucuudi carabiya ayaa xukunka qabanaya dalka ugu horeeya dunida ee xaga shidaalka

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain