WAR DEG DEG AH:Saraakiil iyo Ciidan katirsan Puntland oo si kedis ah gacanta ugu galay Al-Shabaab

Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ciidamo katirsan Puntland iyo hubkooda ay qabteen iyaga oo la socoda gaari.

Sarkaal u hadlay Ciidanka Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay Nolol iyo Geeri ku La'yihiin 9 Askari oo markii ugu war Dambeysay kusugnaa Furinta Dagaalka Ee Buuraha Gal-gala.

Maamulka Puntland ma uusan sheegin talaabada uu qaadi doono mana jiraan warar ka soo baxay alshabaab ee ku aadan dhacdadan.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirtay alshabaabta buuraha Galgala xilliyadii ugu dambeeyay waxaana dhowaan ay sheegeen in ay guulo ka gaareen Xoogagga alshabaab ee halkaasi ku sugan.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain