Abwaan Soomaaliyeed oo sheegay in Daahir Calasow uu ka dhacay Heeso uu isagu leeyahay mirahooda

Abwaan Soomaaliyeed oo ku dhaqan deegaanada Puntland gaar ahaan  magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari ayaa eedeyn buuran dusha ugaga tuuray Mid ka mid ah dhalinyarada waayadii ugu dambeysay sheeganayay in ay sameeyaan miraha heesaha qaar.

Abwaan cabdi Cali Boos oo ka mid ah abwaanada soo jireenka ah kana soo jeeda deegaanada Puntland ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado sheegashada dhalinyarada yar yar ee hada soo baxay ay sheeganayaan heeso horay loo qaaday mirahooda iyo in ay iyaga leeyihiin.

Abwaanaka ayaa si diiran eedeyn iyo arin ceebeyn ahba dusha ugaga tuuray Nin lagu magacaabo Daahir Cabdulle Calasow oo uu sheegay in uu sheegtay heeso mirahoodu uu isagu leeyahay hada ka horna lagu luuqeeyay.

Cabdi Cali boos ayaa sheegay in Daahir Calasow uu caadeystay sheegashada miraha heesaha qaar ee ay u dhalaaleen maskaxdooda abwaaniin waaweyn oo la yaqaan, uuna isagu ka mid yahay.

“Nin la yiraahdo Daahir Calasow oo filan iyo melaha leygu sheegay ayaa iska sheegtay heesaheyga, nimaan weligiisba fan lagu oqoon oo iska sheeganaya heeso uun laheyn waa wax la yaableh” sidaasi waxa ayiri Abwaan Cabdi Cali Boos.

Abwaanka ayaa ku soo hal qabsada in hees uu horay u qaaday Fanaan Shamuuri uu sheegtay daahir Calasow uu isagu leeyahay oo ay tahay sheegashadiisa ninkaas mid aan sax aheyn.

Hadalkan waxa uu abwaan Boos sheegay xili uu ka hadlayay warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland, waxaana uu ugu baaqay abwaanada da’yarta ah ee soo baxay sanadii dambe in ay ka waan toobaan sheegashada heesaha aysan iyagu laheyn.

Waxaan arintaasi ka jawaabin saxafiga wayn ee Daahir calasow waxa lagu soo eedeeyay ,

BAARGAAl.NET
Isha wararka Horumarka Calbari


Developed by Jago Desain