Beesha Guul Harti ( Geese guule) ee Deegaanka Baargaal oo Nabadoon Cusub ku Caleemasaartay Magaalada Boosaaso (Sawiro)

Beesha Guul Harti ( Geesaguule) ee Deegaanka Baargaal ooNabadoon Cusub ku Caleemasaartay Magaalada Boosaaso
Xaflad ka dhacday Hoteelka Jubba ee Magaalada boosaaso oo ay kasoo qeyb galeen madax-dhaqameedyo,aqoonyahanayo, culimaauddiin siyaasiiyiin, Ururada haweenka iyo dhalinyarada, iyo marti sharaf kale oo badan ayaa lagu caleemasaaray Nabadoon cusub oo ay yeelato Beesha Guul harti (Geese Guule) ee Deegaanka Baargaal oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega bariga soomaaliya, waxayna qeybaha kala duwan ee beeshaasi ay Nabadoon u doorteen inuu u noqdo Siciid Cali Saalax Aw yuusuf .

Xaflada oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa kamid ahaa martidii ka soo qayb gashay munaasabada Nabadoonka Nabadoonada Gobolka bari Nabadoon C/qaadir axmed ibraahim Xarago , Naboon Axmed salaad C/raxmaan , Xildhibaan Cabdi Nuur Galayr oo kamid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso iyo marti sharaf kale oo khudbado ka jeediyay Caleemasaarka Nabadoonka Cusub, waxayna sheegeen dhamaantood in Nabadoon siciid Cali Saalax uu yahay nin caan ah oo kasoo bixi kara xilka ay beeshu u igmadeen

cuqaashii munaasabadda caleema saarka kasoo qayb galay, ayaa sheegay in Nabadoonka cusubi aanu noqon doonin mid ay beel gaar ahi leedahay,haseyeeshee uu isim u yahay dhamaan Bulshada Deegaanka iyo umadda Soomaaliyeed.

Nabadoon Siciid Cali Saalax oo ah Nabadoonka maanta la caleema saaray oo ugu dambeyntii goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu xil weyn iska saari doono sidii uu uga soo bixi lahaa masuuliyadda culus ee ay beeshiisu saaratay.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay, in uu ku dadaali doono sidii uu ku noqon lahaa isim bulshada la tashada, dhibtooda ka war qaba islamarkaana ku dadaala sidii uu wax uga qaban lahaa cabasho walba oo dhankooda ka timaada.

Ugu dambeyntii, wuxuu ka codsaday ka qayb gelayaasha munaasabadda caleemasaarka in ay usoo duceeyaan, oo ay Ilaah uga baryaan in uu u fududeeyo xilka culus iyo masuuliyadda adag ee dhabarka loo saaray.

Nabadoonka Cusub ayaa badalaya Nabdoonkii Hore ee Beesha Nabadoon Axmed Saalax Aw yuusuf oo Geeriyooday.

Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Bargaal.net waxay u hanbalyaynaayaan Nabadoonka Cusub Nabadoon  Siciid Cali Saalax Aw yuusuf  Ayagoo ilaah uga baryaaya Nabadoonka cusub inuu u fududeeyo hawsha loo igmaday




BAARGAAL.NET
ISha wararka Hrumarka Deegaanada Calbari
Email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain