Beesha Siwaaqroon oo Boqor Burhaan Boqor Muuse casho caumaad ah ugu samaysay Magaalada London (Sawiro)

Beesha Siwaaqroon oo Boqor Burhaan Boqor Muuse casho caumaad ah ugu sameyey London (Sawiro)
Xaflad Casumaad Sharfeed Ah Oo Ay Soo qaban Qaabiyeen Jaaliyada Beesha Xuseen Taloreer "Siwaaqroon" ee London oo lagu soo dhawaynaayay Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Ayaa ka dhacday Magaalo Madaxda Dalka Ingiriiska ee London.

Casumaadaas oo ay kasooqeyb galeen dad fara badan oo lagu casumay ayaa waxaa dadkii halkaasi ka hadlay sheegeen siday ugu faraxsan yihin inay kasoo qeyb galaan Casuumaadan iyo weliba inay soodhaweeyaan boqorka beelaha Daarood boqor Burhaan Boqor Muuse.


ugu horayn waxaa ka hadlay munaasabada casumaada gudoomiyaha jaaliyada Beesha siwaaqroon ee London Mudane Mahad Cabdulaahi Cali Samantar oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay caawa halkan ku casumaan boqor burhaan Boqor muuse iyo wafdiga kale ee lasocdaba iyo weliba sida sharafta leh ee ay uga aqbaleen casuumadooda.


Gudoomiyaha jaaliyada Beesha siwaaqroon ee London ayaa halkaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabatay oo ka hadlaysay ahimiyada kulanka


Nabadoon indheer garad Farax Maxamed Fuqayare oo asna ka hadlay casumaada ayaa aad ugu dheeraaday qiimaha ay leeyihiin madax dhaqameedyada iyo sida xiliyadii hore ay hogaanka umadan ugu ahaayeen loona baahn yahay in markale ay doorkoodi hore qaataan umadana isku soojiidaan asagoo sidoo kale ka sheekeeyey taariikhihii hore ee boqortooyooyinka Puntland iyo ahmiyada Caluula iyo Baargaal ay leeyihiin.


Muxamad Cabdulahi Samantar oo dowlada fadaraalka soomaaliya u qaabilsan gudiga kubada koleyga oo ka hadlay munaasabada casumaada boqorka ayaa ka waramay ahamiyada madax dhaqameedka asagoo ilaah ka baryay in xilka uu hayo boqor Burhaan ilaahay u fududeeyo.


Waxaa asaguna ka hadlay Madasha Casumaada beeldaajaha Jaaliyada Beesha siwaaqroon ee London Beeldaaje Axmad Nuur Cabaas asagoo sheegay inuu ka soo jeedo beesha beeldaajaha iskaleh ee Baargaal wuxuuna dhinciisa u duceeyay in ilaahay xilkaas culus la garab galo Boqorka.


Waxaana Khadka teleefoonka iayana kaga soo qayb galay Siciid Saalax Seed iyo Maxamuud Dubuje oo Boosaaso jooga.


Intaasi Kadib waxaa madasha ka hadlay oo xaga boqorka ka socday boqorkana la socday General cabdulaahi Siciid Samantar, General Yusuf Axmed Khayr, Farax Xaaji Mire. Gudoomiyihii degmada waaciye Isxaaq joornaal, Waxaa sidoo kale si toos u qaatey hadalkii ugaaska awrtable oo si fiican u mahad naqay waxaa ku xigey oo ugu dambeyntii warka qaatey boqor Burhaan, boqor Muuse (Boqorka Daarood).


boqor burhaan Boqor muuse ayaa mahad balaaraan u jeediyey beesha, Wuxuu ka hadlay sida beesha siwaaqroon iyo boqortooyadu isku ahaayeen,Deegaanka Caluula iyo Baargaal in uu yahay Puntland Deegaanka ugu khayraadka badan loona baahanyahay in marinada (dariiqiyada) dhinac kasta laga shaqeeyo waliba dadka reer Caluula iyo Baargaal ay arintaasi u taal markaas ayaa wax lala qaban karaa.


Intaas Kadib ayaa waxaa Boqorka loo fidiyay Casumaad inuu ku yimaado Degmada Baargaal iyo Gobolka Gardafuu dhulkana Soo Arko , Boqorkuna waa aqbaly Casuumadaasi oo aan xilli loo qaban asagoo ugu danbayntii u ducaayey in beesha ilaahey barakeeyo aduun iyo aakhirana wanaajiyo intaas ayayna casumaadii ku dhamaatay.


Daawo Sawirada Casumaada












SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain