Daawo Sawirada: Whatsapp oo adeega wadahadalada (Free Call) dhawaan soo fasaxaysa

(BaargaalTech) shirkada whatsapp ayaa si rasmi ah u cadaysay inay adeega Whatsapp lagu soo daray qaybta wadahadalada codka ah oo mudooyinkii ugu danbeeyay lagu tijaabinaayay macaamiil gaar ah.

maamulka shirkada ayaa cadeeyay in hada loo fasaxay qayb kamid ah macaamiisha si tijaabo ah inta kale loo fasaxi doono dhawaan.

maalin walba waxa lagu soo bandhigaa baraha bulshada sawirada uu leeyahay adeega iyo qaabkiisa oo ay soo bandhigaan macaamiisha tijaabada ku jira.

waxaa la filayaa in adeegan cusub ee shirkadu soo wado uu kor usii qaado dadka isticmaala adeegan kaasi oo waqtigan aynu joogno hogaaminaya adeegyada farrimaha la isku diro, waxaana kale oo uu suuqa ka saari doonaa barnaamijyada awooda badan sida Viber, Tango iyo waliba LINE.



BAARGAALTECH
Wararka iyo warbixinada technology-yada.
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain