Wasiirada Haweenka Puntland oo Garowe ku soo laabatay si heer sare ahna loogu soo dhaweeyay

Wasiirka Haweenka iyo hormarinta qoyska dowlada Puntland Anisa Xaaji Muumin oo dib ugu laabatay dalka kadib Socdaalo qaatay labo isbuuc oo ay ugu Maqnayd dalka sweden Ayaa Warbaahinta ugu warntay waxyaabihii kala kulantay safarkii shaqo oo ay ku tagay Dalka Swedan.

Wasiir Aniso Ayaa tilmaantay ujeedka ugu wayn ee socdaalkeedu inuu ahaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Dowlada Puntland gaar ahaa wasaarada Haweenka iyo hormarinta Arimaha qoyska Iyo Hayadaha Ka shaqeeya Ka shaqeeya Arimaha haweenka , Waxaana Ay intaasi ku daratay in ay kulamo la soo qaadatay hayado farabadan oo ka shaqeeya Arimaha haweenka iyo jaaliyada reer puntland ee dalka Sweden.

Wasiiradda Ayaa sidoo kale sheegtay In Ay balan qaadyo fiican Ay ka sooheleen hayadihii ay la kulantay kuwaasi oo dhamaantood salka ku hayda hormarinta haweenka puntland
.
Wasiirada Ayaa gabagadii fariin udirtay haweenka iyo guud ahaan puntland , Waxaana Ay ugu baaqaday Shacabka in Ay isku tashadaan kana shaqeeyaan hormarka Puntland.


BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain