Murtida Maanta : Bulsho Waxay Tanaadaa !!

Murtida Maanta : Bulsho Waxay Tanaadaa !!
Bulsho waxay liibaanta marka waayeelkeedu Beero geed uu ogyahay mirihiisa inaanu calfan doonin, waayo marka uu sadqayntaas falaayo wuxuu maskaxda ku hayaa da’aad yaryar oo soo kacaysa, inuu masuuliyad iyo waajib gudasho u sii falo wax noloshooda bar bilowgeeda aayo u noqda.

Noloshu waa sida oradka qori isku dhiibka ah, ama shubaaliska ceelka walwaaleedka kolka geeljirku maalinta ceel gaawaha isku waydhaafinayo, midb midka  kale isaga oon ka gaabin kana dheerayn ku simaya,

“Wiiloow gaawuhu
kaama gaabnee
garbahaagiyo
Gadhka ka ag dayo”

Hadii aanay bulshaduna ubaxa u dillaacaya u diyaarin arrin iyo adduun midkood si ay geediga nololeed ee jiilba jiilka ka danbeeya ka reebo iyaguna dhaqasho seegaan, aarankuna way dhaqan suulaan.

“Intay gabanadu
gaamuraayaan
waaaba laba gu’ye
Maan anba u galo”


BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanka calbari
email: Baargaal@gmail.om
Developed by Jago Desain